X

Dahabshiil Group Oo $500,000 Ugu Deeqay Gurmadka Dadkii ku Qaraxyadii Isgoyska Zoobe

Dahabshiil Group image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Dahabshiil Group, Waxa Kaloo Ay Ishaartay Adeegyo Ay Kaga Qayb Qaadanay Gurmadka Iyo Taakulaynta Masiibadaa

Hargeysa(ANN)-Shirkaddaha Dahabshiil Group, ayaa ugu deeqay dadka shacabka ah ee waxyeeladu kasoo gaadhay qaraxyadii shalay ka dhacay Magaaladdda Muqdisho ee xarunta dawladda Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay shirkaddaha Dahabshiil Group oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekaddaha Araweelo News Network, Shirkaddaha Dahabshiil Group, waxay lacag dhan $500,000 ugu deeqay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay ka dhacay isgoyska Zoobe.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha iyo Maamulka sare ee Shirkaddaha Dahabshiil Group waxay Tacsi u dirayaan dhammaan Eheladda dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Mogadisho.

‘Shirkaddaha Dahabshill Group, iyagoo la qeybsanaysa dadka Soomaalida murrugada iyo xanuunka ka dhashay qaraxyadii zoobe, waxay lacag dhan $500,000 ugu deeqeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaa.” Ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka Dahabshiil Group.

 

Sidoo kale, Shirkaddu waxay, sheegtay in $250,000, ay ugu deeqday dadka dhaawaca ah, halka $250,000 ee kalena la siin doono ganacsatadii yaryarayd ee ganacsigoodii ku waayay qaraxa, iyadoo dhamaantood loogu shubi doono accouna-dooda Edahab.

Shirkadda waxay sheegtay in ay deeqdan u xilsaartay guddi madax bannaan oo kormeeri doona qaybinta deeqda, Sidoo kale, shirkadda Dahabshiil group waxa ay dhaafi doontaa dhammaan khidmadaha laga qaado dadka doonaya in ay lacago tabarrucaad ah sii mariyaan shirkaddaha madaxa bannaan ee Dahabshiil Group.” Ayaa lagu yidhi.

Ugu danbayntii, Shirkadda Dahabshiil waxay markale tacsi u diraysaa dhammaan Ehellada iyo qoysaska dadkooda ku waayay qaraxyadii Zoobe.

Wa billaahi Tawfiiq

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post