X
    Categories: Warar

Dagaalyahannada ISIS oo Gantaal Maraykanku Sameeyey ku soo Riday Diyaarad Ruushku Leeyahay

Araweelo News Network

Dimishiq(ANN)Dagaalyahannada kooxda la baxday dawladda Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq (ISIS/Daacish), ayaa toogasho ku soo riday diyaarad kuwa dagaalka ah oo Ruushku leeyahay, iyadoo ay halkaasna ku dhinteen laba duuliye oo la socday diyaaradda.
Sida lagu baahiyey telefishanka RT (Russia Today) oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, dagaalyahannada ISIS oo isticmaalaya gantaal lagu sameeyey dalka Maraykanka (American TOW antitank missile system) ay dhulka soo dhigeen diyaaradda millaariga Ruushku lahaa.
Wasaaradda Difaaca Ruushka oo xaqiijiyey in laba duuliye kaga dhinteen diyaaradda la soo riday, ayaan si rasmi ah uga hadal nooca hubka lagu dhuftay diyaaradaas, balse waxa ay faahfaahin ka bixiyeen qaabka weerarku u dhacay.
“Markii taariikhdu ahayd 8 July (maalintii Jimcaha) laba duuliye oo ka tirsan millatariga Ruushka oo magacyadoodu kala yihiin Evgeny Dolgin iyo Ryafagat Khabibulin, ayaa hawlgal dhinaca cirka ah ka fuliyey goobo kooxaha argagixisadda ah ku sugnaayeen oo ah Gobolka Homs ee dalka Suuriya, waxayna wateen diyaarad nooceedu yahay kuwa qumaatiga u kaca, kadib markii ay codsi ka heleen taliska ciidanka Suuriya.
Hase yeeshee, markii diyaaraddu hawlgalkeeda fulisay ee ay damacday inay dib ugu laabato saldhigii ay ka duushay ayaa lagu dhuftay gantaal ay dhulka kaga soo rideen kooxaha argagixisada ah, diyaaradduna way dhacday, iyadoo aanay badbaadin labada duuliye ee la socday.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka.
Dhinaca kale, kooxda ISIS ayaa qoraal ay soo saareen kaga hadlay diyaaradda Ruushku lahaa ee ay toogashada ku soo rideen, kaasoo lagu faafiyey saxaafadda taageerta.
“Ilaahay mahaddii, waxa dagaalyahannada Khaliifadu weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidanka Rajiimka Suuriya, waxayna mujaahidiintu ku guulaysteen inay la wareegaan saddex bar-kaantarool, iyadoo mujaahid naftii hurre ah markii hore halkaas isku qarxiyey, kuna dilay qaar badan oo ka mid ah Maleeshiyaadka Rafidi.
Sidoo kale, askarta Khaliifadu waxay toogasho ku soo rideen diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo Ruushku leeyahay, kadib markii ay isku dayday inay duqayso goobo u qorshaysnaa, waxaanan ku guulaysanay in aannu burburino diyaaraddaas, lana dilo labadii duuliye ee la socday,” ayaa lagu yidhi qoraalka ISIS.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post