X
    Categories: Warar

Dagaalyahanka Xuutiyiinta Oo Beeniyay Inay Gantaal Ku Rideen Magaalada Barakaysan Ee Makkah

Xaramka

Sana’a(ANN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee dagaalka kula jira xulufada sucuudiga, ayaa  beeniay war ay maanta baahisay warbaahinta Sacuudiga, oo sheegayay inay gantaal kusoo tureen magaalada barakaysan ee Makkah. Sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Reuters.

“Maamulka Sacuudiga waxa uu, isaga oo adeegsanaya eedeymahan, isku deyayaa inuu taageero u raadiyo gar-darrada foosha xun ee ka dhanka ah shacabkeena Yemen” Waxaa sidaas yidhi afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta oo magaciisu yahay,Yahya Sarea, kaas oo qoraal soo dhigay facebook.

Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, oo Imaaraadka uu ka mid yahay, ayaa muddo afar sannadood  ah dalka Yemen kula dagaalamaya Xuutiyiinta, walaw aanay wax guul ah ka gaadhin dagaalkaa oo khasaare nafeed, burbur iyo barakac ku sameeyey dalka Yemen.

Taleefishinka Al-Arabiya ee Sacuudiga laga leeyahay, oo soo xiganaya goobjoogayaal, ayaa maanta sheegay in ciidamada difaaca Sacuudiga ay hawada magaalooyinka Taa’if iyo Jeddah ka qabteen laba gantaal oo nooca ballistic ah.

Mid ka mid ah gantaallada, waxay sheegeen in uu ku socday magaalada Makkah ee barakaysan, sida lagu sheegay warbixinta taleefishinka, oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah oo muujinaya dhacdadaa.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli  ay sii xooggaysanay  xiisada ka taagan khaliijka, taasi oo u dhaxeysa Iran oo lala xidhiidhiyo inay taageerto Xuutiyiinta, iyo dalalka Sacuudiga, Imaraaadka iyo Mareykanka oo dhinac ah.

Xuutiyiinta ayaa toddobaadkii tagay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray goboo laga soo saaro shidaalka oo ku yaalla magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Axaddi, wakaaladda wararka Xuutiyiinya ay maamulaan ee SABA ayaa sheegtay in militariga Xuutiyiinta ay billaabi doonaan howlgal miltari oo ka dhan ah 300 oo ah bartilmaameedyo militari oo muhiim ah oo ku yaalla dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post