X
    Categories: Warar

Dagaalo Ka Dhacay Gobalada dhexe Ee Soomaaliya, Maamul Saddexaad Oo Lagaga Dhawaaqay Iyo Raysal Wasaare Sharmaarke Oo Gaadhay

Gaalkacayo(ANN)Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Goor dhaw gaadhay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay ka jiraan dagaalo iyo xaalad qasan oo siyaasadeed.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland ee Koonfurta Somalia, waxa Magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan mid ka mid ah Maamulada Gobolka Mudug iyo masuuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Mr. Sharmaarke Raysal Wasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulamo deg deg ah la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka Puntland iyo kuwa ka socda Maamul goboleedka Mudug, iyadoo uu magaalada Gaalkacyo ku sii jeedo Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee dhowaan lagaga dhawaaqay halkaa Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ahaa wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha xukuumadda Federaalka, balse waxa doorashadiisa ka dhashay muran sababay in maamul kale lagaga dhawaaqo halkaa, iyadoo kooxda Ehlu-suna wal Jameeca oo ka horyimi doorashada Maamulka Galmudug ee Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxa sii xoojiyay dhinacyada maamulka Puntland iyo deegaamo kale oo ku gacan saydhay.

Raysal Wasaaraha Somalia iyo Hoggaamiyaha Jubbaland, ayaa la filayaa inay dhinacyada deegaanka iyo maamulada khilaafku ka dhexeeyo la kulmaan, wuxuuna socdaalkoodu kusoo beegmay xili dagaal ka dhacay maanta Deegaanka Laandheer oo ka tirsan Degmada Dhuusamareeb, halkaas oo maanta dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka tirsan Maamulka Ehlu-suna wal Jameeca oo awood balaadhan ku leh deegaankaa, iyadoo warar hordhac ah oo ka imanaya deegaankaa sheegayaan in ugu yaraan Afar qof oo dhinacyada dagaalamayay iyo dad shacab ah oo aan tiradooda la xaqiijin ku dhinteen.

Socdaalka Raysal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Gaalkacayo, ayaa kusoo beegmay xili xiisada siyaasadeed ee ka taagan deegaankaa sii kordhay kadib maamulada ka jiray halkaa ee ay kala Hogaaminayaan Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Sheikh Maxamed Shaakir Cali Maxamed oo ay Ehlu-suna wal Jameeca Taageersaneyd, balse Sheikh Cumar Cabdiqaadir Aadan oo ka tirsan kooxda Ehlu-suna wal Jameeca ee Maamulka Cadaado lagu dhisay, ayaa in ay Sameynayaan Maamul kale oo sadexaad oo ka madax-banaan labada maamul ee hore.

Sheikh Cumar Cabdiqaadir Aadan ayaa u sheegay warbaahinta in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Masuul ka tahay wax walba oo ka dhaca Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay mid doonayso in fidmo iyo rabshado collaado la doonayo in laga sameeyo dadka gobolada dhexe ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka maamulada lagaga dhawaaqay Somalia ayaa laga cabsiqabaa in ay xaalada u bedelaan mid collaadeed oo saamayn ku yeelato dadka deegaanka iyo nolosha bulshada ku dhaqan deegaanada ay maamulada iska soo horjeedaa kasoo jeedaan.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post