X
    Categories: Warar

Dagaallo Khasaare Badan Sababay oo Al-shabaab iyo Ciidammada Soomaaliya ku Dhexmary Bakool

Araweelo News Network


Bakool(ANN)Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen, tiro intaas ka badanna ku dhaawacmeen dagaallo aad u culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidammada dawladda taagta daran ee Soomaaliya ku dhexmaray degaanno ka tirsan Gobolka Bakool labadii maalmood ee u dambeeyey.
Dagaallada ugu xooggan oo ka dhacay degaanka Moora-gaabey oo ku dhow degmada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool, ayaa la sheegay inay sababeen khasaare baahsan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawacyo tiro badan dhinacyada kala gaadhay.
Guddoomiyaha degmada Xuddur Mr. Maxamed Macallin oo la hadlay warbaahinta shalay, ayaa ku dooday inay ciidammada dawladda Soomaaliya kaga dhinteen dagaalladaas siddeed askari, halka uu sheegay inay Al-shabaab ka dileen 10 dagaalyahan, hubna kaga furteen.
Mr. Macallin waxa uu intaa ku daray in ciidanka maamulka Muqdisho wadaan hawlgallo uu xusay in la isugu furayo degaannada Gobolka Bakool oo intooda badan gacanta ugu jira kooxda Al-shabaab.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha degmada Xuddur ayaa ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Koonfur-galbeed inay gacan ka geystaan dagaallo uu sheegay in xoogagga Al-shabaab lagaga saarayo degaannada gobolkaas.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post