Araweelo News Network
New York(ANN)- Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in dagaalka ka socda dalka Yemen sii xooggaystay, isla markaana xaalada noloshu sii adkaanay, iyadoo cudurka daacuunku ka dilaacay halkaa, sidaana waxa lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, taas oo lagu xustay in tirada weerarrada diyaaradeed ee lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan ay ka bateen dhammaan weerarradii dhacay sanadkii hore ee 2016.
Duqaymaha dhinaca Isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo oo wata diyaarado iyo hub casri ah oo laga soo iibsaday dalalka galbeedka ayaa weerarro dhanka cirka ah ku qaada mucaaradka. Mareykanka ayaa sidoo kale dhankiisa la beegsada dagaal-yahannada al-Qaacidda ee koofurta Yemen, balse weerarada dhanka cirka ayaa galaafta nolosha dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Qaramada Midoobay, waxay ka dayrisay xaalada dagaalkaa oo ay ku dhinteen kumannaan qof, iyadoo ka digtay saamaynta ba`an ee uu yeeshay iyo khatarta laga cabsi qabo in macluuli ay ka dhacdo, iyadoo awalba xaalada nolosha dadku ay liidatay, isla markaana ay jireen macaluul iyo cuduro ka dilaacay Yemen oo aan wax gargaar ah la gaadhsiin.
Warbixinta Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in tirada kiisaska looga shakisan yahay cudurka daacuunka ee dalkaasi ay gaadhay 500,000, sida ay sheegeyso Hay`adda Caafimaadka Aduunka (WHO).
Ugu yaraan 1,975 oo qof ayaa dhintay tan iyo intii cudurka biyaha ka dhasha uu ku faafay dalkaasi dhammaadkii bishii April ee 2017, Cudurka ayaa si aad ah u fiday sababo la xidhiidha nadaafad-darro ka dhalatay biyo la`aan ka jirta qaybo badan oo dalkaasi ka mid ah oo qiyaastii In ka badan 14 milyan oo qof aanay haysan biyo nadiif ah, faya-dhowrka oo liita iyo gurmadka oo awood lagu gaadhsiiyo la waayay.