X

Dagaalka Xadka Suudaan Iyo Ethiopia Ee Xadka Iyo Jawaabta Xukuumadda Addis Ababa

malayshiyaad deegaanka Al-Faqsha ee ay ku mursansan yihiin. December 2020. Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Suudaan iyo @Ethiopia Dagaalka Xadka Iyo Jawaabta Xukuumadda Addis Ababa

Addis Ababa (ANN)-Labada dal ee Ethiopia iyo Suudaan ayaa doonaya inay ka wada hadlaan xadka ay ku muransan yihiin, maalmo kaddib markii Ciidamada Millateriga Suudaan weerar ku qaadeen ciidamadda Ethiopia ee deegaanka Al-Faqsha, waxaana ka dhashay weerarkaa khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Sidaana waxa sheegay Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Ethiopia Demeke Mekonnen, wuxuuna sheegay in labada dal ka wada hadlayaan arrinta khilaafka kasoo cusboonaaday xadka ay ku murasan yihiin labada dal.

AKHRI: Dagaalka Tigray Oo Kiciyay Xiisada Gobolka Iyo Suudaan Oo Ciidamo Kusoo Daabulay Xadka Ethiopia

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay dib u furayaan safaarada ay ku leeyihiin dalka Khatroum, isagoo dhinaca xusay in ciidamada Suudaan bishii u danbaysay kusoo qul-qulayeen halkaa, iyagoo ku gaashaaman hub culus.

Ku xigeenka ra’iisal wasaaraha Ethiopia, wuxuu sheegay in ciidamada Suudaan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ka geysteen deegaankaa oo ah mid Beerlay ah, isla markaana ay bur-buriyeen hanti ay lahaayeen dadka Ethiopian-ka ah ee deegaanka Al-Faqsha.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahanyahay in lasoo celiyo, isla markaana magdhaw laga bixiyo khasaaraha qalabka iyo hantida ay sababeen Ciidamada Suudaan.

Deegaanka Al-Faqsha, ayaa noqonaya 250 Km oo laba wareegsan ama 100mayl oo isku wareegsan, waana deegaan mudo dheer ay isku khilaafsanaayeen labada dal oo wadaaga 1,600km oo xad ah, waxayna marar badan ka wada hadleen arrinta dhulka ay ku muransan yihiin sannadihii 2002 iyo 2006, iyadoo dib ay isula eegeen xadka ay wadaagaan labada dal.

Xadka labada dal ayaa ku dhisan heshiis ay Boqortooyadii Midawday ee Britain ku calaamadisay 1902, iyadoo xilligaa dalka Suudaan ku jirtay gacanta gumaysigii Great Britain,  balse Ethiopia kuma qancin, waxayna marar baddan ka dalbatay Suudaan in dib loo calaamadiyo xadka.

Hase yeeshee, tan iyo markii ay ciidamada Millateriga ee Ethiopia duulaanka ku qaadeen gobolka Tigray bishii November ee lasoo dhaafay, waxa soo cusboonaatay xiisadda u dhaxaysa labada dale e dhulka ay ku mursan yihiin.

Labada hoggaamiye ee Ethiopia iyo Suudaan, ayaa ka wada qayb-galay shirka Urur goboleedka IGAD, ee ka qabsoomay dalka Djibouti, walaw aan war-murtiyeedka kasoo baxay shirka lagu soo hadal qaadin khilaafka xadka ee Suudaan iyo Ethiopia.

Dagaalka gobolka Tigray, ayaa sababay in kumanaan qof oo ka qaxay dagaalku u carareen dhinaca dalka Suudaan, kuwaas oo ka talaabay xadka ay labada dal wadaagaan.

Duulaanka ciidamada Ethiopia ee gobolka Tigray, ayaa sidoo kale sababay khasaare kumanaan qof oo ku nafwaayay, isla markaana waxa dhashay masiibo bini’aadanimo oo laga cabsi qabo inay sababto gaajo iyo macaluul, iyadoo xukuumadda Ethiopia go’doomisay gobolka, isla markaana ka jartay Laydhka, Biyaha iyo Isgaadhsiinta, taas oo sababtay xaaladda adag ee adeegyada aasaasiga ee nolosha ee deegaankaa, walaw xukuumaddu sheegtay inay dib usoo celisay dhowaan.

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post