Zelensky IOo Israel ugu baqay inay Badbaadiyaan Magaaladii siddeetan Sannadood ka hor ku badbaadeen
Araweelo News Network
.
Ukraine Dagaalka ayaa galay toddobaadkii saddexaad, iyadoo Madaxweynaha Ukriane Zelensky ugu baaqay Israel in ay badbaadiyaan Kiyv oo ahayd magaaladii ay Yuhuudu ku badbaaday siddeetan Sannadood ka hor.
Zelensky, ayaa ku tilmamay dagaalka Ukriane mid aan ka duwanayn siddeetan sannadood ka hor xasuuqii ii Adlof Hitler kula kacay Yuhuuda.
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin,ayuu.ku tilmamay mid qorshihiisa dagaalka iyo garaacista Madaafiicda iyo diyaaraddaha Ukriane aannay waxba ka duwanayn xasuuqii Hitler.
sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay Israel in ay Ukriane, wuxuu a Zelensky ugu baaqay Baarlamaanka Israel in ay taageeraan, isagoo tilmaamay in aanay marnaba is dhiibayn.
Dhinaca kale, waxa weli socda duqaymaha, iyadoo qaramada midoobay si cad u sheegtay in ugu yaraan toddobaadkii 3Milyan oo qof ka cararaan guyahooda, kuwaas oo 3milyan oo ka mid ah u qaxeen dalalka Yurub tan iyo dagaalku ka bilaabmay hakaa 24 Feuabry 2022.
xaaladda ayaa marba marka ka danbaysa sii xumaanay, iyadoo Madaxweyne Putin dhegaha ka furaysray dhawaaq kasta iyo ergo uga timaada dalalka Yurub NATO.
Dhinaca kale, Telefishanka Ruushka, ayaa la afduubay, waxayna wararka qaar sheegayaan in gebi ahaan la qaatay xigtii, kaddib markii kooxo budhcad inserted internetka ah ay weerrareen maanta.
Published by Araweelo News Network.
Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com