X

Dagaalka Tigray Oo Kiciyay Xiisada Gobolka Iyo Suudaan Oo Ciidamo Kusoo Daabulay Xadka Ethiopia

Araweelo News Network.

Dagaalka Tigray Oo Kiciyay Xiisada Gobolka Iyo Suudaan Oo Ciidamo Kusoo Daabulay Xadka Ethiopia

Khartoum(ANN)-Xiisad ayaa kasoo cusboonaatay xadka ay wadaagaan labada dale e Ethiopia iyo Suudaan, iyadoo isku khilaafsan dhulka ku haboon Beeralayda ee deegaanka Faqsha oo dhaca soohdinta ay wadaagaan labada dal.

Xukuumadda Dalka Suudan ayaa kusoo daabushay ciidamo dhinaca Bari ee xadka ay la leedahay Ethiopia, halkaas oo ay isku dhaceen maalintii Salaasadii ciidamada Suudaan ee ku sugan xadka iyo ciidamo iyo malayshiyaad Ethiopian ah.

Warbaahinta xukuumadda Suudaan, ayaa sheegtay maanta in markii ciidamadooda xadka ay halkaas kusoo weerareen ciidamo Ethiopian ah, isla markaana khasaare loo geystay ay kusoo daabuleen ciidamo xoojin ah.

Ciidamada waxay kusii siqayaan jiidda hore ee deegaanka Fashaqa si ay dib ugu qabsadaan dhulka la xaday, islamarkaana fadhiisimo saldhiyo uga dhigtaan khadadka caalamiga ah,” waxaa sidaas tidhi wakaaladda wararka Sudan ee loo soo gaaboyo “SUNA”.

Wakaalada Suudaan ee SUNA,  ayaa intaa ku dartay in weerar ka dhacay halkaa dabayaaqada todobaadkii lasoo dhaafay xilli habeenimo ah oo ay kusoo qaadeen ciidamada Ethiopia iyo maleeshiyo oo ay sheegeen inay ku sugan yihiin dhulka Sudan khasaare u geysteen.

Xukuumadda Sudan ayaa sheegay in laga dilay Afar ka mid ah askarta xadka ilaalinaysay, isla markaana tiro ku dhowaad sodoneeyo ah loo geystay dhaawacyo.

 

Ciidamada Suudaan ayaa lasoo dhoobay xuduudda dhanka Bari ee ay la wadaagto dalka Ethiopia, gaar ahaan Fashaqa oo deegaan ku fiican dhanka Beeraha oo deganaayeen dad beeralay oo Ethiopian ah.

Deegaanka ayaa ah mid todobaadyadii u danbeeyay uu kasoo cunboonaaday khilaaf la xidhiidha lahaansha dhulkaa oo ay labada dhinac hore ugu muransanaayeen.

Xiisadda cusub , ayaa kusoo beegnatay xilli madaxda Urur goboleedka IGAD shir uga furmay dalka Djibouti, iyadoo hoggaamiyayaasha labada dhinac ka qayb galeen shirka, isla markaana ra’iisal wasaaraha dalka Suudaan Abdalla Hamdok, ayaa guddoominaya shirka IGAD, isla markaana Abiy Ahmed iyo Abdalla Hamdok ayaa kulan gaar ah oo albaabada loo xidhay yeeshay ka hor intii aan la gelin shirka.

Balse lama ogga inay ka wada hadleen arrimahaa xisaadda labada dal iyo haddii ay isla soo qaadeen waxay isla meel dhigeen, iyadoo ra’iisal wasaaraha Ethiopia dhowaan mar uu booqasho ku yimi Ethiopia ay qayb ka ahayd arrintaa iyo inuu dhexdhexaadiyo Hoggaamiyaasha Tigray iyo Xukuumadda Abiy, walaw aannu ku guulaysan arrintaa oo ra’iisal wasaare Abiy ku gacansaydhay.

Ma cada in ajandaha shirka khilaafaadka huursan ee dhinaca xadka oo ka taagan gobolka iyo xiisado siyaasadeed iyo weliba duruufo kale oo ku xeeran mandaqada lagu soo qaadayo  iyo in kale.

Xaaladda dagaalka gobolka Tigray ee Ethiopia, ayaa saamayn ku yeeshay deegaanka, waxaana ka dhacay khilaaf gacan ka hadal ah oo u dhaxaysay labada dhinac ee Suudaan iyo Ethiopia.

Deegaanka Faqsha, waxa soo cusboonaysiiyay xilligan xiisadda ka taagan dagaalka gobolka Ethiopia ee Tigray oo xadka deegaanka Faqsha ee lagu muransanyahay kulaalaya.

Suudaan, ayaa ku dooday in dhulkaa ay leedahay oo uu ka maqnaa dhawr iyo labataan sandood, halka ay Ethiopia ku dooday inay leedahay iyadu oo ay xilligan beeralay Ethiopian ah ay degan yihiin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post