X

Dagaalka Suudaan Iyo Ethiopia Oo Dib U Bilaabmay

malayshiyaad deegaanka Al-Faqsha ee ay ku mursansan yihiin. December 2020. Araweelo News Network.

Collaada Al-faqsha oo cusboonaatay.

>Jabhadaha Ethiopia oo Kulaalaya Caasimadda.

>Ciidamadda Suudaan oo Soo Buuxiyay Al-faqsha.

Araweelo News Network.

Khartoum(ANN)- Xiisadda Dagaalka Suudaan iyo Ethiopia oo mar kale ka bilaabantay xadka labada dal Webiga Atbara ee deegaanka Al-Fashqa oo ah deegaanka ay sida weyn isugu hayaan oo lagu dilay ugu yaraan labaatan Askarta Suudaan ah.

Wararka ka imanaya dalka Suudaan, gaar ahaan deegaanka Al-faqsha ee xadka labada dal muddada dheer ku muransanaayeen, ayaa sheegaya in dagaal khasaare lagu gaadhsiiyay askarta Suudaan ka dhacay halkaa Sabtidii.

 “Ciidamada Suudaan ayaa Sabtidii shalay ka tallaabay Webiga Atbara ee deegaanka Al-Fashqa,  iyaga oo ka jawaabayay duqaymo gaadmo ah, sida uu sheegay Alrasheed Ali, oo xubin ka ah guddiga xudduudda ee gobolka Gadaref ee Koonfurta Suudaan u sheegay Warbaahinta Bloomberg.

Dhinaca kale, Ciidamadda Suudaan ayaa hadda ku qulqulaya dhanka Webiga, sidaana waxa Axaddii  laga soo xigtay mid ka mid ah dadka deegaanka oo sheegay in Xaaladdu aad u kacsan tahay.

Dhimasho iyo Dhaawac ayaa naga soo gaadhay Weerrar ay Ciidamadda Ethiopia iyo Maleeshiyada Al-Fashqa ee Al-Saghira ku qaadeen ciidankayaga, ayuu yidhi, sarkaal u hadlay ciidamadda dalka Suudaan.

Dhinaca kale, Sudan Tribune, ayaa lagu baahiyay in Ciidamadda Suudaan ay iska caabiyeen weerrar ay ciidamadda Ethiopia iyo maleeshiyaadkooda ku soo qaadeen xuduudka bari.

Khilaafka xadka ee labada dal, ayaa si weyn usoo cusboonaaday kaddib markii dawladda Federaalka ee Etiopia duulaan ku qaaday deegaanka gobolka Tigray ee Mekelle.

Duulaanka, ayaa sababtay in dagaalku ku fido gobolka oo dhan, waxaana xilligaa marar baddan dagaalo ku dhexmareen dhulka deegaanka Al-Faqsha oo ah deegaan ay labada dhinac ku muransan yihiin.

Dagaalka xilligan ee mar kale kasoo cusboonaaday deegaanka Al-faqsha ee ku haboon beerashada, ayaa mar kale kusoo beegmay iyadoo dagaalka Ethiopia sii xumaaday, isla markaana ciidamadda dawladda Federaalka iyo xulufada TDF iyo OLA ay kulalaayaan caasimadda Addis Ababa maalmihii lasoo dhaafay.

Arrintaa, ayaa sababtay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed Salaasadii lasoo dhaafay jiida dagaalka u tegey si uu ciidamadda u hoggaamiyo, kaddib guuldarooyin sababay in ciidamadda dawladda iyo malayshiyaadka Amxaarada laga qabsado gobollo iyo magaalooyin Istiraatiiji ah oo kulaalaya Caasimadda Addisa Ababa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post