X
    Categories: Warar

Dagaalka Magaalada Gaalkacayo Oo Dib U Bilaabmay

Araweelo News Network

Gaalkacayo(ANN)Dhinacyada Maamul goboleedyada Somalia ee Galmudug iyo Puntland oo hore dagaal ugu dhexmaray magaalada, ayaa mar kale dagaal fooda Isdaray, maalin kadib markii dawlada Ethiopia heshiis ka dhex dhalisay.
Balse heshiiskaa, ayaa noqday mid waxba ka bedelin xaalada, isla markaana maamulada labada dhinac, ayaa weerraro is weydaarsaday, kuwaas oo isu adeegsaday madaafiic.
Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee imanaya magaalada gaalkacayo dagaalka oo salka ku haya muran labada maamul u dhexeeya oo la xidhiidha dhismaha Maxjar meelaha Xoolaha lagu xanaaneeyo ah oo Maamulka Puntland doonayo inuu ka dhiso halkaa, kaas oo ay maamulka Galmudug diideen.
Lama ogga khasaaraha uu sababay dagaalka dib uga bilaabmay magaalada gaalkacayo oo sababay inay boqolaal qoys ka qaxaaan magaalada maalmihii lasoo dhaafay.
.

Dowladda Ethiopia, ayaa ugu baaqday maamul goboleedyada Galmudug iyo Punland inay joojiyaan dagaalka, isla markaana gebi ahaanba la joojiyo dhismaha Maxjarka ee dhaliyay muranka dagaalka u gudbay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibdada Ethiopia, ayaa lagu sheegay in heshiis nabadeed la kala dhax dhigay maamullada Galmudug iyo Puntland, kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa oo lagu go’aamiyay in la joojiyo dagaalka Gaalkacyo.
Sida ay faafisay shebekadda dhinaca Internetka ee wasaaradda Arrimaha dibadda Ethiopia, waxa loogu baaqay hoggaamiyaasha Puntland iyo Galmudug inay xabad joojin deg deg ah sameeyaan, isla markaana laga fogaado wax walba oo dhalin kara colaad hor leh.
Xukuumadda Ethiopia, waxay go’aankeeda ku sheegtay in maamulka Puntland joojiso dhismaha Maxjarka xoolaha lagu xanaaneeyo ee waqooyiga Gaalkacyo oo ah halkii uu ka bilaawday dagaalkii lagu hoobtay.

Sidoo kale dawlada Ethiopia, ayaa ugu baaqday maamulka Galmudug in ay dib u furto garoonka diyaaradaha oo dhawr bilood ka hor laga hirgeliyay duleedka Gaalkacyo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post