Dalalka Khaliijka Ayaa Qayb Ka Ah Hoos U Dhaca Dhaqaale ee Saamaynta Dagaalka

#Araweelo News Network

India Bonbay (ANN)-Dagaalka Bariga dhexe ayaa saamayn ku yeeshay Badeecaddaha ganacsiga oo ay ku jiraan raashinka iyo alaabooyinka kale, iyadoo  sidoo kale uu saamayeeyay dhaqaalaha aduunka iyo sicirka badeeddacadaha suuqayada oo sababay in saamiyada ay waajahaan hoos u dhac, halka dalalka Khaliijka inttooda baddan 30% uu liicay dhaqaalahoodu.

Dhinaca maceeshada dalka Hindiya oo badeecaddaha ay dibada u diraan ee dhanka Raashinka ay ugu caansan yihiin Bariiska Basmaatiga ayaa qiimihiisu hoos u dhac weyn ku yimi, kaddib markii Bariiska ugu baddan ee loo dhoofin jiray dalka Hindiya la hakiyay muddo laba bilood ah sababo dhanka amniga oo gobolka la xidhiidha.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa todobaadkan baahiyay in Warshadaha wax-soo-saarka dalka Hindiya ee Punjab oo ah 40% Beeraha Bariiska Basmaatiga qiimihiisu hoos ugu dhacay si weyn, iyadoo Bariiska Basmaatiga ee dibadda loo dhoofiyo 25% loo dhoofiyo dalka Iran, waxaana jira sababo la xidhiidha dagaalka Bariga dhexe oo hakiyay, kaddib markii Iran ay joojisay soo dejinta muddo laba bilood ah.

shirkaddaha Caymiska ayaa dhankooda joojiyay Caymiska alaabada loo dhoofiyo dalka Iran, waxayna arrintan keentay walaac weyn oo dhanka Beeralayda ah, iyadoo la filayay in wax-soo-saarka Beerralayda Punjab oo 15% la filayay innay kordhiyaan, waxaana arrimahaasi ay sababeen in qiimaha halkii Kiintaal uu hoos u dhaco 800 Rs oo ah lacagta Hindiya oo u dhiganta ($ 9.52), waxayna arrintan walaac ku abuurtay ganacsatada iyo Beeralayda dalka Hindiya oo taabanay dhaqaalaha dalka.

Dalka Sacuudiga oo 1Milyan oo tan ka dhoofin jiray dalka Hindiya, iyadoo laga dejin jiray dekedda Jeddah ayaa carqalad ku timi kaddib weerarada Xuutiyiinta Yemen oo ugaadhsanaya Maraakiibta isaga gudbaya caalamka ee maraya Badda Cas, Gacanka Caddan iyo marin Biyoodka baabel Mandab, iyadoo weerarada Xuutiyiintu si weyn wiiqeen dhaqaalaha amniga Aduunka.

Dagaalka Ukraine, ayaa hore u wiiqay dhaqaalaha iyo ganacsiga Aduunka, isagoo saamayn ku yeeshay Qamandiga oo Ruushka iyo Ukraine ay 60% dunida u dhoofin jireen, marka laga yimaado Ukraine, waxa xiisadda dagaalka Bariga dhexe ee Israel iyo Xamaas saamayn ku yeeshay ka sokow dhaqaalaha dunida kale, dalalka Khaliijka, kuwaas oo 30% hoos u dhac ku yimi dhaqaalahooda, iyadoo ay inta ugu baddan sababeen dhaqaalaha kasoo geliyay dhinaca dalxiiska, maadaama  dagaalka Bariga dhexe ay dadka kaga soo qulqulayay caalamka cabsi awgeed uga fogaadeen safaradi ay ku tegi jireen.

Arrinta kale ee taas beddelkeeda ah ayaa ah in markii ay dhowaan si toos ah u weerartay Iran Israel ay xaaladdu faraha kasii baxday, wallow hoos u dhaca saamiyada Sayladdaha ka sokow uu qiimaha saliidu koe u ruqaansaday, iyadoo ay sii korodhay cabsidu markii ay Israel weerarka iyo duqaymaha u weecisay dhanka Lubnaan ee Xisbullaah, taas oo ka cadhaysiisay Iran wixii ka danbeeyay dilalkii ay Israel ku fulisay Hoggaamiyayaashii Hisbullaah iyo Xamaas oo ah awooddaha hortaagan Israel ee qaawiyay dagaalka sanadka ka baddan ka socday Qaza oo hafiyay duulaankii Israel.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com