X
    Categories: Warar

Dagaal Saacado Qaatay Oo Ciidammada Ethiopia iyo Al-shabaab ku Dhexmaray Duleedka Ceelbuur

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN) Dagaal khasaare nafeed dhaliyey ayaa ciidammada dawladda Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degaanka Maxaas oo ka tirsan Gobolka Hiiraan gelinkii hore ee shalay.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar jid-goyn ah ku qaadeen kolonyo ciidammada Itoobiya oo marayey degaan u dhexeeya degmooyinka Maxaas iyo Ceel-buur, kadibna waxa labada dhinac halkaas ku dhexmaray dagaal saacado qaatay oo aan ilaa hadda si buuxda loo ogyen khasaaraha ka dhashay.
Kolonyada cidankii Itoobiya ee weerarka lagu qaaday la sheegay inay gurmad ka heleen dhinaca ciidammada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceelbuur.
Saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Muqdisho oo ku sugan Ceelbuur, ayaa sheegay haba yaraadee in aannu jirin wax khasaare ah oo ciidanka Itoobiya ka soo gaadhay jid-goyntaas, iyagoo taas beddelkeedana ku dooday inay tiro badan ka dileen dagaalyahannada kooxda Al-shabaab ee weerarkaas fuliyey.
Hase ahaatee, warar madaxbannaan ayaa tibaaxay inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ciidanka Itoobiyaanka ka soo gaadhay dagaalka dhexmaray xoogagga Al-shabaab.
Qaar ka mid ah degaannada gobollada Hiiraan iyo Galguduud ee badhtamaha Soomaaliya waxa maalmihii u dambeeyey ka jiray dhaqdhaqaaqyo ciidammada Itoobiya samaynayeen, kuwaas oo ka baxay degaanno ay gacanta ku hayeen, taas oo u suurtogalisay Al-shabaab inay markale dib u qabsadaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post