X
    Categories: Warar

Dagaal Khasaare Sababay Oo Ka Dhacay Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Dagaal khasaare dhaliyay, ayaa ka dhacay Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu warhelay sanqadha rasaas ka socotay xabsiga gudihiisa maanta, waxaana arrintaa ka hadlay saraakiil ka tirsan xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dagaalka ka dhacay gudaha xabsiga ayaan si dhab ah loo xaqiijin sababta keentay, balse saraakiisha Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa sheegay saacado kaddib in lasoo gabagabeeyay hawlgal ay ka wadeen oo qaatay saacado baddan.

Saraakiisha amaanka, ayaa u sheegay warbaahinta in xabsiga dhexe ee Muqdisho ay koox ka tirsan maxaabista ku xidhnaa ay hub ka qaateen ilaalada xabsiga, kaddibna  dagaal la galeen illaalada xabsiga, waxaana halkaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ugu yaraan 10 qof ay dhinateen dagaalka ka dhacay xabsiga.

 

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in lix kamid ah kooxdii maxaabiista ee dagaalka ku lugta lahayd la dilay,  isla markaana la dhaawacay lix kale. sidoo kale wuxuu sheegay in la qabtay afar kale oo kamid ahayd maxaabiista dagaalka la galay askarta ilaalada xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Saraakiisha xukuumadda ee ka hadashay dhacdadaa, ayaa ka gaabsaday in ay wax faahfaahin ah ka bixiyaan sida ay wax u dhaceen iyo xaqiiqda xabsiga gudihiisa, ee sababtay arrintan, waxaase jira warar iyo xoggo kale oo sheegaya  dhacdadan lala xidhiidhinayo gedood ay sameeyeen maxaabistu in ay sabab u ahayd.

Dhinaca kale, waxa jira warar kale oo sheegaya in dhimashada iyo dhaawacu intaa ka badanyahay, isla markaana ay ku jiraan dhaawaca iyo dhimashada askarta Ilaalada ee xabsiga oo doonayay in ay aannay maxaabiistu ka baxsan xabsiga,

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post