Faarax Cade Faarax oo kooxda Khaatumo ugu magcaaban wasiirka arrimaha Bulshada, ayaa qiray dagaalka ka dhacay Horu-fadhi, wuxuuna sheegay in dhinacooda khasaare sahlan soo gaadhay oo ay laba ka mid ah malayshiyadooda dhaawacyo kasoo gaadheen, isagoo dhinaca Ciidanka Qaranka Somaliland sheegay in dhaawac iyo dhimasho soo gaadheen.
Balse xukuumadda Somaliland, ayaan wax jawaab ah ka bixin dhacdadaa iyo dagaalka ka dhacay deegaankaa, iyadoo deegaanka marar hore isku dhacyo iyo dagaalo dhexmaray Ciidanka qaranka ee fadhiisinkaa iyo malayshiyada khaatumo hore uga dhaceen, balse mudooyinkan danbe ay xaaladu deganayd oo aanay ka dhicin wax dagaalo ah.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com