X
    Categories: Warar

Dagaal Ka Dhex Qarxay Ethiopia Iyo Eriteria

Araweelo News Network

Asmara(ANN)Wasiirka warfaafinta dowladda Eereteria ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay weerar kusoo qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal xadka labada dal ay wadaagaan kadibna uu qarxay dagaal culus.

Telefeshinka Qaranka Ereteria ayaa lagu sheegay in dagaallo culus ay ka dhax qarxeen Itoobiya iyo Eereteriya.

Wakaaladaha wararka ayaa baahiyay war sheegaya in dagaallo culus ay ka dhax qarxeen labada wadan, goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalka laysku adeegsaday gaadiidka gaashaaman madaafiicda goobta iyo diyaarado dagaal.

Dad ku sugan waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ay maqlayeen madaafiic culus oo laysku adeegsanayay,Ereteria ayaa Itoobiya ku eedaynaysa in ay iyadu dagaalka bilaawday.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa beenisay in dagaal cusub uu ka dhax qarxay labada dal, ku dhawaad 100-kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkii dhaxmaray Ereteria iyo Itoobiya intii u dhaxaysay sanadihii 1998 illaa 2002.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post