X
    Categories: Warar

Dagaal Ka Dhacay Gaalkacayo Oo U Dhexeeya Maamul Goboleedyada Puntland Iyo Gal-mud

Araweelo News Network

Gaalkacayo(ANN)-Dagaal culus oo u dhexeeya maamul goboleedyada Somalia ee Puntland iyo Gal-mudug, ayaa dagaal khasaare nafeed dhliyay ku dhexmaray Magaalada Gal-kacayo.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo Dagaalka oo laysu adeegsaday hubka cul-culus, ayaa ku fiday Magaalada deegaanka magaalada Gaalkacayo.

Dagaalka ayaa bilowday gelinkii hore ee Maanta, waxayna wararka ka imanaya deegaanka Gaalkacayo sheegayaan inuu ka socdo magaalada dhexdeeda, isla markaana sababay Dad badan ka baro-kacaan guryahooda kaddib markii dagaalku bilowday.

Lama oga khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi, hase ahaatee goob-joogeyaal ayaa ku waramay in dhimasho iyo dhaawac badan soo kala gaadhay labada dhinac eek u dagaalamay.

Xiisada u dhaxaysa labada maamul ee Puntland iyo Gal-mudug ayaa soo jiitamaysay tan iyo markii la dhisay Maamulka Gal-mudug sanadkii hore, iyadoo labada dhinac marar hore dagaalo gacan ka hadal ah u dhexmareen, isla markaana uu jiro muran dhinaca maamulka iyo deegaanka ah oo u dhexeeya labada dhinac.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post