X
    Categories: Warar

Dagaal Gacan-ka-hadal Gaadhay Oo Dhexmaray Ilaalada Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil iyo Ilaalada Madaxweyne Afrikaan Ah

Araweelo News Network

Monrovia(ANN)- Dagaal gaadhay gacan-ka-hadal, ayaa dhexmaray ilaalada Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil iyo kuwa Madaxweynaha dalka Togo oo ka wada qaybgalay shir-madaxeedka urur-goboleedka ECOWAS oo ay ku bahoobeen dalalka galbeedka qaaradda Afrika oo lagu qabtay caasimadda waddanka Liberia ee Monrovia.
Kulan ay wada qaadan lahaayeen Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Mr. Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha dalka Togo Mr. Faure Gnassingbé, ayaa dib loo dhigay kadib markii muran gacan-ka-hadal gaadhay uu dhexmaray ilaalada labada hoggaamiye kala wateen, sida uu daabacay wargeyska Times of Israel cadadkii soo baxay shalay.
Wargeyska ayaa sheegay in is-jiid-jiid iyo gacan-qaad dhexmaray labada ciidan, kadib markii mid ka mid ah ilaalada Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil uu u diiday kuwa Madaxweynaha Togo inay gudaha u galaan kulan labada masuul ku wada yeelan lahaayeen magaalada Monrovia oo xarun u ah dalka Liberia maalintii Sabtida ee toddobaadkan.
Madaxweyne Gnassingbé iyo Ra’iisal-wasaare Netanyahu ayaa ka qaybgalayey shir ay lahaayeen dalalka ku bahoobay urur-goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas.
Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil ayaa ammaanay ka qaybqaadashada shirka waddamada Ecowas oo markii ugu horreysay lagu casuumay, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah.
Wargeyska the Jerusalem Post ayaa ka soo xigtay Mr. Netanyahu, “Waa markii koowaad ee ururka Ecowas uu shirkooda ku casuumo masuul ka socda dal ka baxsan qaaradda Afrika. Aad ayaan uga mahadcelinayaa. Israa’iil waxay ku soo laabatay Afrika, iyada oo miisaan leh.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post