X
    Categories: Warar

Dagaal Dhexmaraya Ciidamada Dawladda Federaalka Iyo Malayshiyada Ahlu-sunna

Gaadika dagaalka oo ku qulqlaya Dguusamareeb

Dhuusamareeb(ANN)-Dagaal xooggan ayaa laga soo sheegayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ee badhtamaha Soomaaliya, dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamadda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo malayshiyo u daacad ah ururka Ahlu-sunna Waljaamaca.

Ma cadda khasaaraha ilaa hadda ka dhashay dagaalka maanta oo daba soday isku dhac kooban oo xalay labada dhinac ku dhex maray isla magaalada dhuusamareeb, balse waxa jira warar sheegaya in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen dagaalka, isla markaana ay jiraan tiro intaa ka badan oo dhaawacyo soo gaadheen.


Dad goob joog ah, ayaa u sheegay Araweelo News Network, in xiisada dagaalku ka dhalatay, kadib markii ay xallay Ciidamada Dawladda Federaalka soo weerrareen Xarunta Dhismaha Inji oo ay deganaaayeen Malayshiyada Ahlu-sunna, halkaas oo dagaal kooban oo aan la sheegin khasaare uu geystay ka dhacay.


Walaw ay ila wareedyo sheegayaan in Malayshiyada Ahlu Sunna gacanta ku hayaan weli dhismahaa oo ay iska difaaceen weerrarka ciidamadda Dawladda Federaalka.


Maamulka sheegta inuu yahay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo ay taageersantahay Dawladda Federaalka, ayaa dhankiisa qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa ku sheegay in ciidamada Ahlu-Sunna ay si badheedh ah xallay u beegsadeen ciidamo dowladda ka tirsan oo ku sugnaa bar koontarool.


Dhinaca kale, wararka soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ee laga helay deegaankaa, ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Kooxda Ahlu-sunna ay mar qabsadeen saldhigga Booliska degmada Guri-Ceel, balse warar kale ayaa sheegaya in dib looga qabsaday.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post