X
    Categories: Warar

Dagaal Culus oo Ciidammada AMISOM iyo Al-shabaab ku Dhexmaray Duleedka Degmada Jowhar

Araweelo News Network

Muqdisho (ANN)- Dagaal culus oo sababay khasaare kala duwan, ayaa ciidammada AMISOM iyo kooxda Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dalka Soomaaliya.

Dagaalka oo aan illaa hadda si buuxda loo ogeyn khasaaraha ka dhashay, ayaa ka dambeeyey kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab waddada u galeen ciidammada dalka Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM oo marayey inta u dhexaysa tuulooyinka Biyo-cadde iyo Mir-tuugo oo hoos taga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dad ku sugan Mahadaay ayaa u sheegay idaacadda BBC-da inuu dagaal in ka badan saacad socday ku dhexmaray degaankaas ciidanka AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab, isla markaana labada dhinac isu adeegsadeen hubka culus.
Ciidan gurmad ah oo ka tirsan kuwa maamulka taagta daran ee Muqdisho oo ka baxay magaalada Jowhar, ayaa gaadhay aaggaas oo dagaal xooggan ka socday tan iyo duhurnimadii shalay.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa tibaaxay in dagaalku istaagay kadib markii dagaalyannada Al-shabaab ee weerarka ku qaaday ciidammada Burundi dib loo riixay.
Tuulooyinka Biyo-cadde iyo Mir-tuugo ee dagaalka qadhaadh ka dhacay waxa ay qiyaastii 47km dhanka bari ka xigaan magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post