X
    Categories: Warar

Dagaal Culus oo Al-shabaab iyo Ciidammada Maamulka Jubbaland ku Dhexmaray Gudaha Degmada Afmadow

Araweelo News Network
Kismaayo (ANN)Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-shabaab, ayaa weerar culus oo khasaare kala duwan keenay ku qaaday degmada Afmadow oo ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose saqdii dhexe ee habeennimadii Axadda.
Dagaal muddo laba saacadood ah socday ayaa Al-shabaab iyo ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Jubbaland ku dhexmaray gudaha magaaladaas, kaas oo dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo gaadhay ciidanka labada dhinac ee dagaallamay iyo dad shacab ah.
Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay inay hawada ka saareen gebi ahaanba isgaadhsiinta degmada Afmadow iyo degaannada ku xeeran ka hor intii aanay weerarka ku qaadin gudaha magaaladaas.
“Ciidanka Al-shabaab maqribkiiba magaalada isgaadhsiinta ayey ka jareen. Shacabku waxay bilaabeen in ay guryahooda kala galaan, jewiga magaaladuna wuxuu isu beddelay mid kacsan. Abbaaro 10:00 habeennimo ayey xabbaddu bilaabantay, waxayna socotay ilaa 12:00 saqda dhexe ee xalay [habeen hore].” Sidaa waxa yidhi goob-jooge ku sugan Afmadow oo u warramay warbaahinta.
Dhinaca kale, taliyaha ciidammada ammaanka degmada Afmadow Mr. Aar Sheekh Cali, ayaa saxaafadda Muqdisho sheegay in ay ka hortageen weerar culus oo dagaalyahannada Al-shabaab ku soo qaadeen magaaladaas, isla markaana ciidankoodu khasaare ballaadhan gaadhsiiyeen kooxdaas.
“Xalay [habeennimadii Axadda] ayey na soo weerareen. Annagu waan ka warhaynay qorshahooda, markaa annagoo u diyaarsan ayey magaalada ku soo duuleen, waanan iska difaacnay, khsaarooyin xoogganna waan gaadhsiinnay,” ayuu yidhi taliye Aar.
Taliyuhu waxa uu xusay inay dhankooda dagaalkaas kaga dhinteen laba askari, sidoo kalena hooyo iyo laba carruur ah ku naf-waayeen madaafiic kooxda Al-shabaab ku garaaceen xaafadaha degmada Afmadow ka hor intii aanay toos u soo weerarin gudaha magaaladaas.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli muddooyinkii u dambeeyey ciidammada maamul-goboleedka Jubbaland iyo kuwa AMISOM hawlgallo dhan ka ah Al-shabaab ka wadeen degaanno ka tirsan degmooyinka Afmadow iyo Kismaayo, Gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post