X
    Categories: Warar

Dadweyne Cadhaysan Oo Dab Qabadsiiyay Guriga Taliyaha Qaybta Booliska Awdal, Rabshado Ka Socda Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay

Muuaalka Guriga Taliyaha Qaybta Booliska Ee Boorama oo gubanaya,By. Araweelo News Network

Boorama(ANN)Dadweyne Cadhaysan ayaa dab qabadsiiyay maanta guriga Taliyaha Qaybta Booliska ee Awdal General Cabdi Araweelo, waxaana ku shufbeelay halkaa guriga Taliyaha. Kadib rabshado ka dhashay Ciyaaraha Kubadda Cagta ee ka socday halkaa oo shalay uu ku dhintay qofkii labaad todobadkan, kaas oo ahaa Wiil yar oo dhalinyaro ah.
Qoyska uu kasoo jeeday Wiilka yar, ayaa diiday saaka in la aaso, taas oo ay ka dhasheen mudaharaadyo rabshado wata oo sababay in dab la qabadsiiyo guriga Taliyaha Qaybta.
Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay rabshadahaa iyo guriga la gubay ee Taliyaha Qaybta Booliska Awdal General Araweelo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha guddaha Somaliland Axmed Caddare oo la hadlay Laanta Af-soomaaliga ee BBC, ayaa sheegay inay ka xunyihiin rabshadaha ka dhacay Ciyaaraha ka socday Boorama ee soo noqnoqday, wuxuuna tacsi u diray dadkii ku dhintay, isagoo dhinaca kalena sheegay inay Xukuumad ahaan baadhayaan sababta keentay arrimahaa, isla markaana dadkii gubay guriga Taliyaha Qaybta Booliska lagu daba jiro oo sharciga la horkeeni doono.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post