X
    Categories: Warar

Dadweynaha Burco Dareenkooda Ka Muujiyay Haweenay La Dilay

Araweelo  News Network

Burco(ANN)-Mudaharaad lagu diidanyahay falalka ka dhanka ah Haweenka ee dilalka iyo Kufsiga oo kusoo batay Somaliland, ayaa ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaddib markii Marxuumad Ugbaad Cali Cabdullaahi la sheegay in la dilay, sida ay shaaciyeen Saraakliisha Booliska ee Burco.

Qaar ka mid ah dadweynaha Mudaharaadayay ee ka cadhiiday dilka haweenayda, magaalada Burco, 12 Oct, 2020, Araweelo News Network.

Saraakiisha Boooliska, ayaa sheegay in loo hayo Nin uu sheegay inuu qirtay dilka gabadhaa, waxayna  dadka maanta isugu soo baxay Magaalada Burco oo u badnaa Haween iyo caruur dalbanayeen in cadaaladda la mariyo cidii dishay gabadha.

Marxuumada, ayaa ahayd Hooyo haysatay Saddex Carruur ah, iyadoo Maydka Marxuumada lagu hayo Cusbitaalka magaalada Burco.

Qaar ka mid ah dadweynaha Mudaharaadayay ee ka cadhiiday dilka haweenayda, magaalada Burco, 12 Oct, 2020, Araweelo News Network.

“Waa in Sharciga la mariyo Cidda falkaa geysatay oo ay Caddaalad hesho Hooyo Ugbaad Cali Cabdillaahi oo ah Marxuumadda kufsiga iyo dilka loogu geystay Magaalada Burco, Dawladda Somaliland waxaanu ka codsanaynaa in Ninkii dilay Cadaaladda loo mariyo.” Sidaa waxa tidhi, mid ka mid ah haweenka  ka cadhooday dhacdan ee isugu soo baxay si ay u muujiyaan dareenkooda.

“Madaxweynaha Somaliland waxaanu leenahay hablaha sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa (Haddii Cadaalad la waayo).” Ayay raacisay, iyadoo si shucuurteedu sarayso u dhawaaqaysa.

Dadweynaha, ayaa markaa kaddib waxa goobta yimi Ciidamadda amaanka, kuwaas oo kala dareeriyay dadkii isugu soo baxay magaalada Burco.

Dhinaca kale, saraakiisha Booliska oo shalay ka hadlay arrinta Marxuumad Ugbaad Cali Cabdullaahi ayaan faah-faahin dheeraad ah ka bixin qaabka uu kiisa Haweenaydaasi u dhacay, waxayna sheegeen in ay baadhayaan sababta kiiska Marxuumadda.

Inata baddan kiisaska Kufsiga ee Somaliland ka dhaca oo ahaa kuwo soo badanayay tobbankii sannadood ee danbeeyay, balse inta baddan kiisaska Kufsiga ayaa ah kuwo ay fuliyaan kooxo dhalinyaro ah.

AKHRI: Sheekh Dirir Oo Ka Hadlay Xeerka Kufsiga Oo Dooda Dhaliyay

Somaliland, ayaa horre usoo saartay Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga ee Xeer Lr. 78/2018, balse xeerkaa ayaa doodo baddan iyo muran ka abuuray bulshadda dhexdeeda, kaddib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kusoo saaray digreeto horraantii August 2018.

AKHI: Xeerar Madaxweyne Muuse Biixi Soo Saaray Oo Qaarkood Dood Dhaliyeen

AKHRI: Golaha Guurtida Somaliland Oo Meel Mariyay Xeerka Kufsiga Iyo Xildhibaan Dhaliilay Ansixintiisa

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post