Araweelo News Network
Burco(ANN)-Mudaharaad lagu diidanyahay falalka ka dhanka ah Haweenka ee dilalka iyo Kufsiga oo kusoo batay Somaliland, ayaa ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaddib markii Marxuumad Ugbaad Cali Cabdullaahi la sheegay in la dilay, sida ay shaaciyeen Saraakliisha Booliska ee Burco.
Saraakiisha Boooliska, ayaa sheegay in loo hayo Nin uu sheegay inuu qirtay dilka gabadhaa, waxayna dadka maanta isugu soo baxay Magaalada Burco oo u badnaa Haween iyo caruur dalbanayeen in cadaaladda la mariyo cidii dishay gabadha.
Marxuumada, ayaa ahayd Hooyo haysatay Saddex Carruur ah, iyadoo Maydka Marxuumada lagu hayo Cusbitaalka magaalada Burco.
“Waa in Sharciga la mariyo Cidda falkaa geysatay oo ay Caddaalad hesho Hooyo Ugbaad Cali Cabdillaahi oo ah Marxuumadda kufsiga iyo dilka loogu geystay Magaalada Burco, Dawladda Somaliland waxaanu ka codsanaynaa in Ninkii dilay Cadaaladda loo mariyo.” Sidaa waxa tidhi, mid ka mid ah haweenka ka cadhooday dhacdan ee isugu soo baxay si ay u muujiyaan dareenkooda.
“Madaxweynaha Somaliland waxaanu leenahay hablaha sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa (Haddii Cadaalad la waayo).” Ayay raacisay, iyadoo si shucuurteedu sarayso u dhawaaqaysa.
Dadweynaha, ayaa markaa kaddib waxa goobta yimi Ciidamadda amaanka, kuwaas oo kala dareeriyay dadkii isugu soo baxay magaalada Burco.
Dhinaca kale, saraakiisha Booliska oo shalay ka hadlay arrinta Marxuumad Ugbaad Cali Cabdullaahi ayaan faah-faahin dheeraad ah ka bixin qaabka uu kiisa Haweenaydaasi u dhacay, waxayna sheegeen in ay baadhayaan sababta kiiska Marxuumadda.
Inata baddan kiisaska Kufsiga ee Somaliland ka dhaca oo ahaa kuwo soo badanayay tobbankii sannadood ee danbeeyay, balse inta baddan kiisaska Kufsiga ayaa ah kuwo ay fuliyaan kooxo dhalinyaro ah.
AKHRI: Sheekh Dirir Oo Ka Hadlay Xeerka Kufsiga Oo Dooda Dhaliyay
Somaliland, ayaa horre usoo saartay Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga ee Xeer Lr. 78/2018, balse xeerkaa ayaa doodo baddan iyo muran ka abuuray bulshadda dhexdeeda, kaddib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kusoo saaray digreeto horraantii August 2018.
AKHI: Xeerar Madaxweyne Muuse Biixi Soo Saaray Oo Qaarkood Dood Dhaliyeen
AKHRI: Golaha Guurtida Somaliland Oo Meel Mariyay Xeerka Kufsiga Iyo Xildhibaan Dhaliilay Ansixintiisa