Araweelo News Network

faysal UCIDHargeysa (ANN)- Urur ay ku bahoobeen aqoonyahanka xirfadlayaasha maaraynta magaalooyinka (Somaliland Urban Management Professionals), ayaa si rasmi ah looga daah-furay caasimadda Hargeysa.
Ururkan ay samaysteen dadka aqoonta u leh arrimaha horumarinta magaalooyinka oo loo soo gaabiyo SUMPRA, waxa xafladda lagaga dhawaaqay lagu qabtay hudheelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa habeenkii Jimcaha ee toddobaadkan.
Guddoomiyaha ururka SUMPRA Mr. Khadar Cabdi Cawaale oo hadal ka jeediyey xafladdaas, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha loo aasaasay ururkan, isagoo xusay inuu yahay urur ay ku midoobeen arday baratay aqoonta maaraynta magaalooyinka oo heer jaamacadeed ah, una arka in baahi wayn oo loo qabo aqoonta maarayntu muhiim tahay.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in ururkani la shaqaynayo cidda leh masuuliyadda maamulka magaalooyinka Somaliland, kana caawinayo arrimaha aqoonta gaarka ah u baahan ee ay ka midka yihiin cilmi-baadhis (research) lagu sameeyo baahiyaha dhabta ah ee jira ee khuseeya adeega dawladaha hoose u qabtaan bulshada si loogu go`aan qaato habka xalka loogu raadinayo baahidaas.
“Waxa aannu samayn doonnaa la-talin (counceling), in wacyigelin (awareness) lagu sameeyo arrimaha bulshadu ay tahay inay kala shaqeeyaan maamulka dawladaha hoose ama hay`addaha u qaabilsan dawladda dhexe, in u doodid (advocacy) aannu samayno iyo tababaro iyo in aannu ka caawino maamulka dawladaha hoose arrimaha muhiimka ah ee u baahan aqoonta maaraynta magaalooyinka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SUMPRA.
Waxa kaloo uu caddeeyey in aanay marnaba farogelin doonin arrimaha ay dawladaha hoose u xilsaaran yahay, waxaannu yidhi; “Waxaan caddaynayaa in ururkani aanu farogelinayn arrimaha dawladaha hoose u xilsaaran yihiin. Waxa kaloo aannu caddaynaynaa inaanu ururkani ahayn urur qabanaya shaqadii maayarrada ama ku doonanaya. Laakiin waxay maamullada dawladda hoose ka maarmi doonaan inay dibadda ka doontaan khuburo kala shaqeeya arrimaha khuseeya shaqadooda oo aannu beddelkeedii qaban doonno.”
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in magaalooyinka Somaliland ay buuxiyeen dad ka soo guuray degaannada miyiga, loona baahan in lala yimaad qorshe lagu horumarinayo magaalooyinka dalka.
“Waxaad arkaysaa dadkii miyiga joogay ayaa magaalooyinkii buux dhaafiyay waxay saamaynaysaa xitaa dhaqaalihii oo khudradii la isticmaali jiray in ka badan ayaa laga isticmaalayaa magaalooyinkii, laydhkii, biyihii, cisbitaaladii iyo dhammaan kaabayaasha iyo adeega dawladdu dadka u qabato waxa loo baahnaanayaa in ka badan intii hore. Magaalowgu (urbanization) wuxuu u baahan yahay qorshe iyo dariiqii qorshaha lagu fulin lahaa oo heer qaran ah, urur ma samayn karo ee waa siyaasadda dawladdu u xilsaaran tahay,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Waxa kaloo uu murrashaxa Madaxweynaha ee UCID sheegay in loo baahan yahay sidii horumarinta adeegyada bulshada loo gaadhsiin lahaa degaannada miyiga iyo magaalooyinkaba.
Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Hay`adda Shaqaalaha Dawladda Md. Sharmaarke Axmed Muxumed (Geelle) oo ku hambalyeeyey waxbarashada ay soo qaateen aqoonyahanka maamulka maaraynta magaalooyinka iyo sida ay u jecel yihiin inay dalkooda iyo magaalooyinkooda wax uga qabtaan, isagoo xusay inay aqoonyahanadu la nool yihiin bulsho ka dayacan waxyaabihii ay uga baahnaayeen magaalooyinka, isla markaana TV yada ka daawada dalal hagaajistay arrimaha qurxinta magaalooyinkooda.
“Waxa mahad leh Allaah idin waafajiyay inaad waxbarashadii dhammaysataan idinka oo mid ahna ururkan samaysaan, waxaan ku rajo waynahay inaad wax ka tartan baahida jirta, waxaad doorateen aqoon loo baahnaa, waxaanad samayseen tol xirfadlayaal ah, inaad ku fikirtaan inaad midawdeen waana halka adduunyadu marayso, waxa kaloo aad u soo baxdeen bulsho ka dayacan maaraynta magaalooyinka, waxa werwer igu haysa sababta aqoontu saamayn ugu yeelan la dahay dalkeena. Waxaan arkaa kumanaan jaamici oo aan saamayn ku lahayn dalkeena. Waxa aqoonyahadeena qaar sameeyaan inay wax dhaliilaan oo wixii xun sawiraan waxaan jecelahay inaad ka fogaataan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Ku-xigeenka Xoghayaha Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland Mr. Khaalid Cabdiraxmaan Xirsi, ayaa isna soo dhoweyeey xirfadlayaasha aqoonta u leh maaraynta magaalooyinka, “Waannu soo dhawaynaynaa ururkan, waxana weeye wax loo baahan yahay, waxaananu idinku dhiirigelinaynaa inaad samaysaan cilmi-baadhisyo (researches) ku saabsan baahiyaha kala duwan ee ka jira magaalooyinka Somaliland ee khuseeya adeega bulshada dawladdu u qabanayso (public service delivery) si loo ogaado xaaladooda.”
Mr. Khaalid waxa uu ballanqaaday inay ka shaqayn doonaan sidii xidhiidh wadashaqayneed u dhex mari lahaa Ururka Dawladaha Hoose iyo Mihnadlayaasha Magaalooyinka Somaliland.
Xafladda lagu daah-furay Ururka Xirfadlayaasha Maaraynta Magaalooyinka ee SUMPRO, waxa hadal ka jeedisay marwo Caasha Maxamed Axmed oo ku hadashay afka hay’adaha caalamiga ah ee UN HABITAT, UNDP, UNFPA iyo ILO, waxayna sheegtay in dhammaantood ay bogaadinayaan aasaaska ururkan xirfadlayaasha, waxayna u mahadceliyeen cid kasta oo gacan ka gaystay dhismaha Ururka SUMPRO.
“Meel aynu ka aradnayn ayay ahayd aqoonta maaraynta magaalooyinka, UN HABITAT ahaan waxaannu ka shaqaynaa magaalooyinka, waxaananu in badan u haahanaa aqoonyahannada arrimaha magaalooyinka, meesha ugu dhaw ee aannu ka soo qaadano waa dalka Itoobiya iyo meelaha ka fog sida Yurub oo nagu qaadata kharash badan, waxaannu jecelnahay inaad laga bilaabo manta aad beddelaysaan, maadaama aad xaaladdii dalka uga aqoon badan tihiin, waxa kaloo jira in magaalooyinkeenu aanay lahayn wax qorshe ah (Master Plan). Gabilay oo samaysay iyo Berbera mooyaane Caasimadii dalku idinka ayay idin sugaysaa”, waxaanu balanqaadaynaa inaanu gacan idin siino oo idin gacan qabano”.
Mr. Sakariye Daahir Cige oo ah La-taliyaha Madaxwayne-ku-xigeenka ee arrimaha mashruuca maamul-daadejinta ee Dawladdaha Hoose ee dalka (GPLJ), ayaa isaguna soo dhaweeyay ururkan, waxaannu ballanqaaday ka xukuumad ahaan ay dhiirigelinayaan in dadka isku xirfad ah inta ay isu yimaadaan ka qaybqaataan horumarinta dalka Somaliland.
Agaasimaha fulinta ee Dalladda SONSAF Mr. Maxamed Maxamuud Axmed (Barawaani), ayaa soo dhaweeyey ururkan la sameeyay, isagoo xusay inuu yahay mid baahi weyn loo qabay, waxa kaloo uu xusay in mihnadlayaashu yihiin waxyaabaha wadammadu isku dhaafeen, “Annaguna waanu soo dhawaynaynaa inaad ka mid noqotaan ururrada ku bahoobay dalladda SONSAF, waxaad ka caawinaysaan dawladaha hoose arrimaha u baahan aqoonta gaar ka ah ee aanay aqoonyahankoodii hayn,” ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul-ka-saarka Qaranka Mr. Ibraahim Axmed Raabbi, Maareeyaha Shirkadda Maandeeq Mr. Cabdirashiid Haybe, Agaasimaha Guud ee Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Mr. Guuleed Saleebaan Hagoog, Hormuudka Kulliyadda maaraynta Magaalooyinka (Urban Management) ee Mac-hadka Tababarka Mr. Cabdixakiim Cismaan Cali, kuwaasoo dhammaantood ammaanay aasaaska ururka ay ku bahoobeen Xirfadlayaasha Maaraynta Magaalooyinka Somaliland ee SUMPRO (Somaliland Urban Management Professionals).