Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali waran-cade oo maanta ka hadlay xaflad lagu qabtay Dhimaha wasaaradiisa oo dhawrkii sanadood ee u danbeeyay wasaaradu ku shaqaynaysay, balse maanta uu Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray, kadib xaflad balaadhan oo lagu qabtay dhimaha wasaaradda Arrimaha guadaha.
“waxaan halkan doonayaa inaan maanta ka sheego dhinaca isku socodka Bulshada in maanta laga bilaabo dadka u dhasay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ay dalka kusoo gali doonaan Passport , isla markaana dalka ku joogi doonaan sharci sida wadamada kale, kaasoo waliba masuul ay ka noqon doonaan dadka dalkan u dhashay ee reer Somaliland ahi” ayuu yidhi. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Dhinaca kale Waran-cade, wuxuu hadal uu ka jeediyay furitaanka dhismaaha ka sheegay guulo waaweyn oo uu wasaaradda gaadhsiiyay, isagoo ku baannay inuu wax baddan qabtay mudadii uu joogay ee xilka Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380