X
    Categories: Warar

Dadka Degaanka Wajaale Oo Ka Cawday Caawimooyinka Xukuumaddu Qaybiso

Hargeysa (ANN) Qaybo ka mid ah bulshada ku dhaqan degaanka la yidhaa Ilko-weyne oo ka tirsan degmada Wajaale ee Gobolka Gabilay, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey qaabka loo maamulayo qaybinta raashin mucaawimooyin ah oo loogu talogalay dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
Qaar ka mid ah odayaasha degaankaas oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay inay cabasho xoogan ka tirsanayaan qaabka loo qaybiyo raashinka deeqaha ee loogu talogalay dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen, gaar ahaan degaankooda oo hoos taga degmada Wajaale, waxayna xuseen in la tuuray liiskii magacyadoodu ku qornaayeen, lana qaatay dad kaloo si gaar ah loo diiwaangeliyey.
“Annaga oo ah odayaasha, dhallinyarada iyo haweenka ku dhaqan degaanka Ilko-weyne oo ka tirisan Gobolka Gabiley, waxaannu cabasho xooggan ka muujinaynaa Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Gobolka Gabiley habka iyo nooca wax ay u wadaan madaxda maamusha hawlaha dib-u-dejinta iyo raashin-qaybinta ee degaanka aannu ku noolnahay.
Iyada oo ay jirto arrimo farsamo xumo iyo wax is-daba-marin horseed u yihiin qaar ka mid ah odayaasha degaanka iyo sidoo kalena ku ayidsanyihiin nimanka hawshan watay oo uu ugu horreeyo ninka la yidhaa Farxaan Abiib Xasan oo qaabilsan isku xidhka hawlaha qaybinta raashinka ee degaannada Gobolka Gabilay.
Waxa kaloo la doonayaa in degaan ahaan saamigii aannu ku lahayn raashinka taakulada ah la naga duudsiyo, faro madhanna aannu ka taaganahay annagoo goob-joog u ah. Isla markaana aan la naga qaadin wax diwaangalin ah, warqadaha ama dukumantiga la qaatayna aanay ahayn kuwii saxda ahaa ee markii hore wax loogu qaybin jiray beelaha walaalaha ah ee wada dega degaanka Ilko-weyne.
Sidaa darteed, mar labaad waxaannu caddaynaynaa in dukamantiga la rabo in loo gudbiyo hay’adaha qaabilsan caawimooyinka ee hadda ka bilaabaya mucaawinooyinka loogu talogalay dadka tabaalaysan ee abaaruhu aafeeyeen in aanay ahayn kuwiii saxda ahaa ee bulshadu ku wada qannacsanaayeen, balse uu yahay caagleyn.
Guntii iyo gebagebadii waxaannu ka codsanaynaa hay’adaha arrintani khusayso, sida Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, gaar ahaan Gobolka Gabiley in hoos loo eego arrimaha aannu ka cabanayno si caddaalad ku jirto, lana soo diro dad xaqiiqo-raadin ah, haddii kale arrinku wuxuu noqon doonaa jaantaa rogan, wixii dhibaato ah ee ka dhacana ay masuul ka noqonayso cidda wadata hawsha xaqayaga lagu duudsiyayo,” ayey odayaashu ku yidhaahdeen qoraal cabasho ah oo ay warbaahinta u akhriyeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post