X
    Categories: Warar

Dad Ka Badan Hal Milyan Oo Qof Oo Saxeexay Dalab Madaxweyne Trump Lagaga Joojinayo Casuumad Looga Fidiyay Britain

Araweelo News Network

US President Donald Trump (L) and British Prime Minister Theresa May walk to a press conference at the White House, January 27, 2017 in Washington, DC. (Photo by AFP)

London(ANN)- Dad ka badan hal milyan oo qof oo ku nool dalka Britain ayaa saxeexay dalab ay kaga codsanayaan dowladda inay joojiso booqashada la qorsheynayo inuu Donald Trump ku tago Britain dabayaaqada sanadkan ee November 2017.

Dalabka ayaa jawaab u ah amar uu soo saaray Madaxweyne Trump oo ka dhan ah qaxootiga todoba dal oo Muslimiin ah, waxayna dadka gudbiyay dalabka ku doodayaan in boqorada dalka Britain Queen Elizabeth, ay ceeb ku tahay haddii Trump uu booqdo Britain.

Dalabyada noocan oo kale ah ee ay saxeexaan boqol kun oo qof ka badan waxaa la geeyaa baarlamaanka si looga dodo, isla markaana qaraar sharci ah loogu roggo, Balse xafiiska Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi Theresa May, ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in la baajiyo safarka Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump.

Afhayeen u hadlay dowladda, ayaa sheegay in casumaadaasi mar hore loo fidiyay Madaxweyne Trump oo uu aqbalay. Sidaa awgeed aanay macquul ahayn in la joojiyo.

Trump ayaa marar badan ka hadlay xidhiidhka shakhsiyadeed ee uu la leehay Britain, isagoo sheegay in Hooyadii ka soo jeeda Scotland., waxaana la filayaa in baarlamaanka Britain dood ka yeesho dalabkaa.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hakiyay dhamaan barnaamijyadii uu Maraykanku ku qaadan jiray dadka qaxootiga ah muddo 120 maalmood ah, taas oo uu kala kulamay canabaarayn kaga timi Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha iyo hoggaamiyayaasha dunida, isla markaana mudaharaadyo ka dhacay dalka Maraykanka gudihiisa lagu diiday go’aankaa oo dadka Hay’addaha garsoorka qaarkood ku tilmaameen mid aan soconayn oo meel ka dhac ku ah dumuqraadiyada iyo shuruucda dalka Maraykanka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post