X
    Categories: Warar

Mudaharaadayaal Gubay Xarunta Baarlamaanka Burkina Faso Ee Galbeedka Afrika


Ouagadougou(ANN)Kumanaan qof oo cadhaysan ayaa isugu soo baxay caasimada Dalka Burkiina Faaso ee Galbeedka Afrika, kuwaas gebi ahaaba dab qabadsiiyay Dhismaha Xarunta Telefishnka ee dalkaa iyo dhismaha Baarlamanka ee caasimada Ouagadougo.

Dibadbaxayaasha, ayaa ka cadhooday. Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Dalka Burkina Faso Mr. Blaise Compaore oo doonaya in Dastuurka Dalka wax laga bedelo, taas oo u suurtagelinay in uu talada dalka dib usii haysto marka la gaadho doorashooyinka soo socda ee sanadka danbe.

Dadka gedoodsan, ayaa sidoo kale dab qabad siiyey dhismayaal ay dawladu leedahay oo ku yaal caasimada, waxaana goobaha kale ee la gubay ka mid ah Xarunta Xisbiga Talada dalka haya ee Madaxweyne Blaise Compaore iyo xarunta dowlada hoose ee caasimada.

Mr. Blaise Compaore, ayaa qorshayna in la xaliyo rabshadaha, wuxuuna kulamo la yeeshay hogaamiyaasha mucaaradka. Laakiin taasi waxba kama bedelin xaalada kacsan, waxaana diyaarado nooca Elekobtarta loo yaqaan oo xanbaarsan sunta dadka kaga ilmaysiisa iyo rasaasta loo adeegsado mudaharaadka hawada lagaga weeraray mudaharaadayaasha oo qorshayna in ay kusii fidaan magaalooyinka uu ka kooban yahay dalku.
Mr Campaore ayaa awooda dalkaasi afgembi kula wareegay sanadii 1987-dii, wuxuuna qabtay dhawr doorasho oo magac u yaal ahaa, kuwaas oo u suurta geliyay inuu sii haysto xukunka ilaa xiligan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post