X

Dacwada Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Al Bashiir Oo La Muddeeyay

Sudan’s ousted president Omar Al-Bashir appears in court in the capital Khartoum on Aug. 31, 2019 to face charges of illegal acquisition and use of foreign funds. (AFP)

KHARTOUM (ANN)-Garsoore maxkamadeed oo dhegeysanayay dacwada Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir,  ayaa diiday in damaanad lagu sii daayo ilaa mudada uu go’aanka dacwada dib ugu dhigay.

Al Bashiir, oo mar kale maanta la horgeeyay Maxkamadda, ayaa  si rasmi ah loogu oogay labada dacwadood oo midi tahay heysasho lacago qalaad oo sharci darro ah iyo musuq maasuq mudadii uu xukunka hayay.

madaxweynihi hore ee dalka Sudan Omar Al Bashir oo ka jawaabayay su’aalo maxkamadda lagu dhex weydiiyay oo la xidhiidha eedaha lacagahaa, ayaa sheegay, inuu lacag dhan 25 milyan oo doollarka Mareykanka ah ka helay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, lacagaha kalana uu ka helay meelo kala duwan oo aannu carrabaabin.

Madaxweynihi hore ee Sudan Cumar Al Bashir, ayaa isku difaacay eedahaa, wuxuuna ku dooday in lacagahaasi aannu u adeegsan danahiisa gaarka ah.

Qareenka difaacaya Cumar Al Bashir, ayaa sheegay in Al Bashiir uu beeniyay eedaha loo soo jeediyay, isla markaana uu dhageysiga maxkamadda labaad uu keeni doono markhaatiyaal difaaca oo ay soo bandhigi doonaan dhageysiga xiga ee Maxkamadda.

Garsoorihi maxkamadda, ayaa diiday codsi ah in dammiin lagu sii daayo Cumar Al Bashir. Wuxuu maxkamadda ka sheegay in muddada xabsiga lagu sii heyn doono ay maxkamadda go’aan ka gaadhi doonto marka la gaadho 7-da bisha September 2019.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post