KHARTOUM (ANN)-Garsoore maxkamadeed oo dhegeysanayay dacwada Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir, ayaa diiday in damaanad lagu sii daayo ilaa mudada uu go’aanka dacwada dib ugu dhigay.
Al Bashiir, oo mar kale maanta la horgeeyay Maxkamadda, ayaa si rasmi ah loogu oogay labada dacwadood oo midi tahay heysasho lacago qalaad oo sharci darro ah iyo musuq maasuq mudadii uu xukunka hayay.
madaxweynihi hore ee dalka Sudan Omar Al Bashir oo ka jawaabayay su’aalo maxkamadda lagu dhex weydiiyay oo la xidhiidha eedaha lacagahaa, ayaa sheegay, inuu lacag dhan 25 milyan oo doollarka Mareykanka ah ka helay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, lacagaha kalana uu ka helay meelo kala duwan oo aannu carrabaabin.
Madaxweynihi hore ee Sudan Cumar Al Bashir, ayaa isku difaacay eedahaa, wuxuuna ku dooday in lacagahaasi aannu u adeegsan danahiisa gaarka ah.
Qareenka difaacaya Cumar Al Bashir, ayaa sheegay in Al Bashiir uu beeniyay eedaha loo soo jeediyay, isla markaana uu dhageysiga maxkamadda labaad uu keeni doono markhaatiyaal difaaca oo ay soo bandhigi doonaan dhageysiga xiga ee Maxkamadda.
Garsoorihi maxkamadda, ayaa diiday codsi ah in dammiin lagu sii daayo Cumar Al Bashir. Wuxuu maxkamadda ka sheegay in muddada xabsiga lagu sii heyn doono ay maxkamadda go’aan ka gaadhi doonto marka la gaadho 7-da bisha September 2019.