Araweelo News Network

Masuuliyiinta Gobolka Saaxil , Badhasaabka, Maareeyaha guud ee Dekedda Berbera iyo Maayarka Degmada oo ka hadlaya dhacdada weerrarka

Masuuliyiinta Gobolka Saaxil , Badhasaabka, Maareeyaha guud ee Dekedda Berbera iyo Maayarka Degmada oo ka hadlaya dhacdada weerrarka

Berbera(ANN)Dabley hubaysan oo aan la shaacin tiradoodaa, ayaa saaka waaberigii weeraray Dekedda Macmalka ah ee laga waday dhismeheeda deegaanka Ceel-gerdi oo dhinaca Bari kaga beegan qiyaastii 30km Marsada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo uu sababay weerarkaa oo ay goobta dhismaha Dakeddu ka socday ku qaadeen koox hubaysan oo kasoo horjeeda dhismeheeda, kuwaas oo tacshiirado rasaas ah la beegsaday goobta, isla markaana waxyeelo gaadhsiiyay qalab iyo gaadiid goobta yaalay.
Maamulka Gobolka Saaxil Badhasaabka Jaamac Yuusuf Axmed, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-Xoor) iyo Maayarka Degmadda Berbera Cabdishakuur Cidin, ayaa si wada jir ah uga hadlay arrintaa, waxayna sheegeen in falkaa dhacay kuwii fuliyay iyo kuwii ka danbeeyay ciidamada amaanku ku daba jiraan, isla markaana sharciga la horgeyn doono.
Masuuliyiinta Gobolka Saaxil, waxay bulshada usoo jeediyeen inay iska ilaaliyaan wixii nabadgelyada wax u dhimaya, iyagoo sheegay in aan falalka sidan oo kale ah loo dul qaadanayn.
Dhacdadan, ayaa kusoo beegantay, iyadoo maalmihii u danbeeyay ay soo baxayeen warar sheegayay in dhisme deked macmal ah oo laga dhisayo halkaa buuq iyo sawaxan ka abuurtay bulshada gobolka Saaxil.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com