X
    Categories: Warar

Dablay Hubaysan Oo Weerraray Dhismaha Baarlamaanka Dalka Iran

Araweelo News Network

Tehran(ANN)-Warar hordhaca ayaa sheegaya in Dablay hubaysan ay saaka weerrareen dhismaha Baarlamaanka Dalka Iran.

Dablayda ayaa xoog ku jidhay Ilaalada Albaabaka u Jeeda dhinaca Bari ee dhismaha Xarunta Baarlamnaaka,iyagoo dhaawac u geystay mid Ka mid ah Askarta Ilaalada.

Kooxda oo ku hubaysan qoryaha boobayaasha fudud, waxa u suurta gashay in ay dhismaha gudaha u galaan, sida ay faafisay wakaalada Wararka ee Tasnim news agency, ayaa sheegay in ugu yaraan Toddoba qof dhaawacyo kala Duwan soo gaadheen.

Wararka, ayaa sheegaya in weli kooxdu ku jirto dhismaha, Isla markaana lagu godoomiyay halkaa, iyadoo Weerar kale Lagu Qaaday Qabriga lagu xusuusto Ayatollah Khomeini oo Koonfurta Tehran ah, halkaas uu isku qarxiyay.


Sidoo kale waxa Jira Warar sheegaya in Weerrar kale lagu Qaaday Xarunta Tareenka oo ku taal badhtamana Tehran.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post