X
    Categories: Warar

Dablay Aan La Aqoonsan Tacshiirado La Beegsaday Dad Shacab Ah

Araweelo News Network

Laas-caanood(ANN)- Dablay Hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa gudaha magaalada Laascaanood waxa ay Weerar qorsheysan dhaawacyo kala duwan ugu geysteen Sadex Qof oo shacab ah isla markaasina ay laba yihiin rag halka ay midina tahay Haween waxaana xusid mudan in haweeynaydani ku dhaawacantay weerarkani ay ku dhacday xabad seeraaro ah.

Weerarkani qorsheysan ee kooxdani dablayda ahi dhaawacyada ugu geysteen sadexdani qof ee shacabka ah ayaa ka dhacay gudaha magaaladaasi, sidoo kalana kooxdani geystay dhaawacyadani ayaa goobtii uu weerarkaasi ka dhacay ka baxsaday.

Ciidamadanka Nabad-gelyada Booliska ee Gobolkaasi Sool ayaa heegan Culus la galiyey sidii ay uga hawl gali lahaayeen soo qabashada dablaydani hubaysan ee falkani ka soo horjeeda amniga ka geystay gudaha magaalada Laascaanood, iyadoona ilaa caawa ay magaaladaasi wadooyinkeeda ay ka socdeen hawlgalo lagu baadhayo gaadiidka kala duwan ee ka dhex adeega gudaha magaaladaasi.

Sadexdani qof ee la dhaawacay ayaa waxa xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa cisbitaalka guud ee magaaladaasi Laas-caanood.

Magaalada Laascaanood Oo Sandihii lasoo dhaafay hoy u ahayd falalka dilalka qorshayssn, Ayaan in muddo ah falal noocan Oo kale ah ka chi in, balse falkan ayaa ah mid khatar weyn ku ah amniga magaalada Laascaanood, waxaana si weyn isha ugu hayaan bulshada gobolkaasi Soo Qabashada dablaydani aan haybtooda la aqoonsan ee geystay dilalka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post