Araweelo News Network

dabaqaugudheerDubai(ANN)Maamulka imaaradda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa qorshaynaya in ay dhistaan fooqa adduunka ugu dheer oo ay ku baxayso lacag dhan $1 bilyan oo dollar, kaasoo ay doonayaan inuu fooqoodii hore ee Burj Khalifa ka dheeraado.
Xukuumadda Dubai, ayaa doonaysa in shirkadda u dhisaysa fooqa cusub oo la yidhaa Emaar Properties ay ka dhigto dhismahan mid aan indhuhu qabanayn oo cirka dherer ahaan ku dhawaada.
Guddoomiyaha shirkadda dhisaysa dhismahan Maxamed Allabar, ayaa sheegay in dhisamaha hadda ay gacanta ku wadaan ee fooqan uu yahay ka ugu dheer adduunka oo uu 2,717 fuudh (laba kun, toddoba iyo toban fuudh) uu ka dheer yahay dhismaha hadda adduunka ugu dheer ee Burj Khalifa.
Fooqan cusub waxa ay doonayaan inuu noqdo mid xataa beero leh, isla markaana meelo aad u qurux badan oo dadku ku nastana hoosta loogu sameeyo, hudheello hurdo iyo cuntaba ay ka samaysan yihiin iyo waliba meel muraayado ah oo dalxiisayaasha lagu soo dhaweeyo.
Fooqan cusub ee Dubai oo loo qorsheeyey inuu qabsado dhul dhan 2.3 mayl oo laba jibaaran waxa uu qayb ka yahay mashruuc horumarineed lagu doonayo in magaaladaasi quruxda caalamka hoggaamiso, iyadoo fooqa laga ag samaynayo meel xayawaanka lagu ilaaliyo oo aad u soo jiidasho badan.
Qaabaynta fooqan oo ay sameeyeen khubaro nashqadaynta aad ugu takhasustay oo Spanish iyo Switzerland u kala dhashay (Spanish-Swiss Archtiect Santiago Calatrava Valls) oo qarnigii 21aad sameeyey fooqa la yidhaa Eiffel Tower la yidhaa oo aad u cajiiba. Fooqa Dubay ayaa la doonayaa in xadhigga si toos ah looga jaro 2020-ka.
“Qaar badan oo macaamiishayada ka mid ah ayaa aad u jecel in ay arkaan fooqa oo nashqaddan u samaysan,” ayey tidhi shirkadda dhisaysa ee Emaar.