X
    Categories: Warar

Dab Qabsaday Meherad Ajaanib Ku Lahaayeen Hargeysa Iyo Ciidanka Dab-damiska Oo Ka Hadlay Sababta

Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland oo ku hawlan daminta Dabka meherada ay lahaayeen ganacsatada Yemen 30 Nov 2019, Hargeysa Jig-jiga-yar Araweelo News Network.

Hargeysa (ANN)-Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland, ayaa ku guulaystay inay damiyaan Meherad ay lahaayeen dad ajaanib ah oo Dab qabsaday maanta.

Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland oo ku hawlan daminta Dabka meherada ay lahaayeen ganacsatada Yemen 30 Nov 2019, Hargeysa Jig-jiga-yar Araweelo News Network.


Meheradaaoo ku taalay Xaafada Jigjiga-yar ee Woqooyi galbeed Magaalada Hargeysa, ayaa lagu iibinayay Roodhida iyo Macmacaanka, waxaana lahaa ganacsato u dhalatay dalka Yemen.


Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in Ciidanka oo gurmad deg-deg ah sameeyay ay ku guuleysteen inay dabkaa ka xakameeyaan kuna hakiyaan halkii uu ka bilaabmay oo ahayd goobta lagu kariyo cuntada ee Meheradaa.

Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland oo ku hawlan daminta Dabka meherada ay lahaayeen ganacsatada Yemen 30 Nov 2019, Hargeysa Jig-jiga-yar Araweelo News Network.

Qoraalka, ayaa lagu sheegay in dabkaas aanu sababin khasaare dhimasho iyo dhaawac toona, waxaana ciidamada Dab-demisku sheegen in ay badbaadiyeen hanti aad u badan oo dhex taallay meheradaa ganacsatada reer Yemen.

Waxayna xuseen Ciidanka Dab-damisku in hawlgalka ay u soo gurmadeen Ciidamadda Dab-demiska ee Taliska guud iyo Saldhiga Ciidanka ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

Ganacsatada lahayd meherada iyio dad kale oo ku sugan goobta xilligii Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland ku hawlanaayeen daminta Dabka meherada ay lahaayeen ganacsatada Yemen 30 Nov 2019, Hargeysa Jig-jiga-yar Araweelo News Network.


Qoraalka ayaa lagu sheegay in sababta dabka dhalisay aan si cad loo ogayn, isla markaana ilaa hadda gacanta lagu hayo baadhisteeda, sidoo kale Maamulka Degmada ayaa iyaguna dhankooda kala shaqeeyay ciidanka daminta dabkan, sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland.

AKhri: Somaliland Oo Heeggan Buuxa La Geliyay Ciidanka Dabka Iyo Khataraha Kale Ka Badbaadiya Bulshada

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post