X
    Categories: Warar

Dab Ka Kacay Dhulka Yuhuudu Xoogga Ku Haysto Ee Falastiin Oo Xal Loo Waayay

Araweelo News Network

Jerusalem (ANN) Dhulka Filasdiin ee Yahuuddu xoogga ku heysato waxaa sii xoogeystay dabka ka kacay magaalooyinka iyo deegaannada xoogga lagu dajiyay dadka Yahuudda ah.

Wararka ka imaanaya Filasdiin waxay sheegayaan in dab si xowlli ah ku socda uu kusii faafayo dhulka keymaha ah iyo magaalooyinka.

Wasaaradda arrimaha gudaha Yahuudda waxay ku dhawaaqday in 60-kun oo qof laga daad gureeyay magaalada Al-qudus halka 15-kun oo qof laga daad gureeyay magaalada Xeyfa iyo deegaanada hoos yimaada.

Dabka ayaa sababay khasaara malaayiin dollar ah waxaana gubtay dhul beereed dadku Yahuuddu lahaayeen,gooba ganacsi guryo iyo warshada waaweyn oo dhaqaale xooggan maalin walba uu kasoo geli jiray dadka Yahuudda ah.

Maamulayaasha Banuu Israa’iil waxay sheegayaan in dabka oo si xowlli ah ku socda uu kusii fidayo deegaano hor leh, waxaa guul darreystay isku dayo dab damis ah oo sameynayeen diyaarado laga leeyahay dowlado ay kamid yihiin Cyprus, France, England, Greece, Turkey, Italy, Russia and the US, ayaa doonaya inay gacan ka geystaan sidii dabka oo sii fidaya loo joojin lahaa.

Raysal wasaaraha Yahuudda Netanyahu, ayaa Musiibada ku habsatay Yahuudda ku eedeeyay in ay Mas’uul ka yihiin muslimiinta Carabta ee Filasdiin ku nool balse ma faah faahin sababta ay mas’uul uga yihiin.

Qeybaha kala duwan ee Ururada Kacdoonka Filasdiin ayaa soo dhoweeyay musiibada ku habsatay Yahuudda xoogga lagu dajiyay dhulalka muslimiinta waxayna ku tilmaameen Ciqaab Rabaani ah oo Alle ku salliday Yahuudda Sahyuuniyadda ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post