X
    Categories: Warar

Daawo Muuqaalka Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefdigiisa Oo Lagu Soo Dhoweeyay London

London(Arraweelo News) Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wefdi oo uu hogaaminayo oo ka degay Cariga Dalka Britain, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay halkaa. kadib markii ay shalay ka anababaxeen caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyagoo usii jeeda magaalada London si ay uga qaybgalaan shir lagaga hadlayo arrimaha maalgashiga ee lagu qabanayo cariga Ingiriiska.

Madaxweyne Siilaanyo oo saaka subaxii ka degay garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport, waxaana halkaa kusoo dhaweeyey masuuliyiin iyo dadweyne ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada London, kuwaas oo ku qaabilay farxad iyo ubaxyo kala duwan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inay shirkaasi oo 14-ka bishan ka furmaya Magaalada London ay ku soo bandhigi doonaan waxyaabaha Somaliland ka hirgeli kara, isla markaana la malagashan karo, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Shirkaasi oo lagaga hadlayo maalgashiga Somaliland waxaan rejaynayaa in wax weyn oo midho-dhal ah u noqdo dadka iyo dalka Somaliland ka soo baxaan, waxaanan aad ugu faraxsanahay inaanu ka qayb-galo shirkaasi. Markaa shirkaasi dawladda Ingiriiska iyo cidda maamulaysaba waxaanu ugu soo bandhigi doonaa waxyaabaha Somaliland ka suurtogal ah iyo baahiyaha dalka iyo maalgashiga midho dhal u noqon kara, waanuna ka dhaadhicin doonaa, haddii Alle yidhaahdo, waxaanuna rejaynaynaa in dhulkeena la maalgeliyo oo dhaqaalaheena horumariyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa ka hor intii aannu dalka ka dhoofin Jimcihii.

https://www.youtube.com/watch?v=4pn2Cza4eRM&feature=youtu.be
Araweelonews
Somaliland Office
arraweelo@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post