X
    Categories: Warar

Daawo: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka jaray Qaybtii U Horaysay Ee Wadada Ceergaabo Oo Laami Ah

Burco(ANN)Madaxweynaha Somalilad Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayo muddo todobaad ku dhow socod kumaraya gobolada galbeedka iyo Bariga Somaliland, ayaa maanta xadhiga ka jaray qaybtii u horaysay ee dhismaha wadada Ceergaabo iyo Burco oo laga dhigay Laami.
Madaxweyne oo gaadhay Tuulada Ina Af Madoobe ee duleedka magaalada Burco ee dhinaca bariga oo laga bilaabay dhismaha jidkaa, ayaa xadhiga ka jaray galabta 10KM ee ugu horeeyay oo la dhamaystiray, isla markaana laga dhigay Laami.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu dhagax dhigay 30 Km oo dhinaca Magaalada Ceergaabo loo wadayo wadadaa oo waqtigan ay u hadhay in la saaro oo keliya Daammur, iyadoo dhinaca Magaalada Ceergaabo sidan oo kale lagu shubay daamurkii 10 KM , oo wadada dhismeheedu socdo ah, isla markaana dhowaan xadhiga laga jari doono.

Halkan Ka Daawo qaybta la dhamaystiray wadada ee Laamiga ah oo Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jarayo Riix

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post