X
    Categories: Warar

Daawo: Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Hormood U Noqday Joojinta Mudaharaad London Laga Waday Oo Lala Xidhiidhiyay In Soomaaliya Dabada Ka Riixay

Araweelo News Network

London(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Masuuliyiinta Wakiiladda Sadexda Xisbi qaran ee Somaliland ee Uk iyo Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan halkaa, ayaa ku midoobay sidii looga hortegi lahaa Mudaharaad lala xidhiidhiyay inay Dawladda taagata daran ee Soomaaliya dabada ka riixay oo la doonayo in laga dhigo safaaradda dalka Imaaraadku ku leeyahay Uk.

Mudaharaadka oo maalmahan lagaga abaabulayay cariga Britain, ayaa lagu iclaamiyay in lagu muujiyo dareenka Soomaaliya ee ku waajahan Saldhiga Millateri ee ay Xukuumadda Somaliland ka siisay dalkeeda Dawladda Imaaraadka.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee UK Mujaahid Casayr Cabdiqaadir oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa yidhi,

“Dhamaan madaxda saddexda xisbi iyo jaaliyada Somaliland waxaan isugu nimi arrinka saldhiga Imaaraadku ka dhisanayo Berbera, oo la sheegay in dad Soomaali u dhashay banaanbax ka hor samaynayaan safaarada Imaaraadka ee London.

“Annigoo ka wakiil ah Jaaliyada Somaliland ee UK, Gudoomiyaheediina ah, waxaan caddeynaya dadkaa doonaya inay ku mudaharaadkaan, ee soomaalida ah, halkay doonaan haka yimaadaane, aanan ku raacsanayn ayaan caddeynayaa.

Gudoomiyaha xisbiga WADANNI Mr. Axmed Cali Nahi oo kulanka ka hadlay ayaa yidhi, “Somaliland dhexdeeda waxa yaala, sharcigeeda, qawaaniinteeda ayuu ku wareegayaa. Hadaanu nahay xisbiga WADANNI waxaan caddeynayanaa inaanu qofna xaq u lahayn, kuna mudaharaadi Karin magaca, astaanta iyo milgaha xisbiga WADANNI. Waxaan caddeynaynaa inaan berri ka nahay ciddii falka aku kacda.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee UK Mr. Xariir Xirsi Ader oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhamaan bulshada Somaliland ka midaysan tahay heshiiska saldhiga Imaaraadka, waxaanu yidhi,

“markaan dhan walba isla eegnay, waxaan ogaanay in bulshada Somaliland iyo saddexda xisbi ka midaysan yihiin in la xaq-dhowro shuruucda aynu leenahay ee goleyaasha Qaranku go’aamiyeen, ee saldhiga laga siiyey dalka Imaaraadka carabta magaalada Berbera.

Gudoomiye-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Mr. Siciid Cabdi Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa yidhi,

“halkan waxaanu kaga hadlayna inaan saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Wadanni iyo jaaliyadu ka midaysan nahay inaan ka soo horjeedno mudaharaadka dhalinyaradu wadaan. Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xisbiyada qaranka, gaar ahaan xisbiga UCID inaanay ka qeybqaadan.

Waxgarad kaloo ka qeybgalay kulanka saddexda xisbi iyo jaaliyadu kaga digayeen banaanbaxa oo ka hadlay ayaa yidhi,

“Xukuumada soomaaliya iyo dadka kale ka soo horjeeda qadiyadeena, ee inoogu yeedha maamul goboleedka, ee leh mudaharaad ayaan samaynaynaa iyo dhalinyarada ku taageeraysa, waanu ka soo horjeedaa.

Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen madax ka socday saddexda xisbi qaran ee Somaliland, jaaliyada Somaliland ee UK iyo waxgarad iyo aqoonyahano reer Somaliland ah ayaa dhamaantood isla qaateen inay ka soo horjeedaan banaanbaxa ay wadaan dad ay ku tilmaameen cadowga horumarka Somaliland, waxaanay ugu baaqeen bulshada Somaliland guddo iyo dibed inay u midoobaan horumarka dalkooda.

Halkan ka Dawo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya arrimahaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post