X
    Categories: Warar

Daawo: Baadhitaano Musuqmaasuq Oo Taxan Baarlamaanka Ilaa Xukuumadda Oo Galaaftay Guddoomiyihii Guddida Dabagalka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiiladda

Araweelo News Network

photo file Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)Guddoomiyihii hore ee Guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo mudooyinkii u danbeeyay waday baadhitaano musuq-maasuq oo taxan Baarlamaanka, gaar ahaan aqalka Wakiiladda iyo Hay’addaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xilkiisa ku waayay dabagalka musuqmaasuq ee uu waday.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo mudadii uu guddoomiyaha u ahaa guddida dabagalka iyo ilaalinta hantda qaranka soo bandhigay fadeexado musuq-maasuq oo baddan, ayaa xiligan oo ay u qorshaysnayd inuu golaha wakiiladda horkeeno natiijada baadhitaan musuqmaasuq oo in ka badan 27 wasaaraddo iyo Hay’addaha dawlada ka tirsan iyo sidoo kale aqalka goloha wakiiladda oo baadhitaanka musuqmaasuq la galay, waxa si lama filaan ah uu baadhitaanku u galaaftay xilkii ka hayay guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka. kadib markii ka hor inta aanu soo saarin natiijada baadhitaanka qoraal kasoo baxay shirgudoonka golaha isku shaandhayn lagu smeeyay guddi hoosaadka golaha wakiiladda oo ay ugu cad-cadayd guddida uu guddoomiyaha u yahay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama.

Qoraalka Guddi hoosaadka golaha wakiiladda ee laysku bedelay, ayaa lagu sheegay in Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama loo bedelay inuu xubin ka noqdo guddida arrimaha dibadda ee golahaa, balse Xildhibaanka oo warbaahinta maanta kula hadlay Huteelka Maansoor ee magaalada hargeysa, wuxuu sheegay in aanu ka mid noqonayn guddi danbe oo gplaha wakiiladda ah, balse uu qaranka u shaqaynayo oo soo bandhigayo waxyaabo baddan, wuxuuna arrintaa sabab uga dhigay mid la doonayo in lagu hakiyo fadeexadaha baadhitaanka uu sameeyay, isagoo usoo jeediyay shirgudoonka golaha wakiiladda inay is casilaan, maadaama ay fadeexado musuq-maasuq dul hogganayaan.

Xildhibaan Obama oo ka hadlaya arrimahaa halkan ka Daawo.


Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post