X
    Categories: Warar

Daah-furka Shirweynaha KULMIYE  Iyo Ergooyinka Oo Doortay Shir-guddoonka Haggaya Mudada Uu Socdo

Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maanta ka furmay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo muddo saddex maalmood ah socon doona, waxa kasoo xaadiray 1,122 (Kun, Boqol iyo laba iyo labaatan) Ergey oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka oo ay hormuud u yihiin madaxweynaha, ku-xigeenka iyo xubnaha kale ee hoggaanka KULMIYE, guddoomiyaha golaha wakiillada iyo ku-xigeenkiisa oo kamid ah xisbiga.
Sidoo kale, wufuud kala duwan oo ka kala socota dalalka Taiwan, Djibouti iyo Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, xubno ka socday axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.
shirweynaha doortay Afar xubnood oo noqon doona shir-guddoonka shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, kaddib markii Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ha Guddoomiyaha Xisbiga, Muuse Biixi Cabdi  usoo jeediyay Ergooyinka.
Shir-guddoonka cusub oo ka mid ahaa guddidii qaban-qaabada, ayaa hagaya shirweynaha muddada uu soconayo oo saddex maalmood ah, kuwaas raacaya ajandaha guud ee shirweynaha horyaalla.
Guddoomiyaha shirka ayaa loo doortay,  Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), Guddoomiye ku xigeenka Maxamed Cali (Cali Cali-yow) iyo Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Faysal Cumar Madar (Faysal Qumush) oo xaghayaha shirgudoonka ah, kuwaas oo la wareegay haggista shirka.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post