X
    Categories: Warar

Daacish Oo Qorsheeyey Weerarro ay ku Qaadayaan Taageerayaasha Xulka Kubbadda Cagta ee Ingiriiska

Araweelo News Network

London(ANN)Ururka sheegta dawladda Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq (ISIS), ayaa qorsheeyey weeraro loo adeegsado dagaalyahanno naftooda hurayaal ah iyo diyaaradaha aan aan duuliyaha lahayn (Drones) oo ay doonayaan inay ku qaadaan taageerayaasha xulka kubbadda cagta Ingiriiska ee ka qaybgalay koobka qaramada Yurub (Euro 2016) oo dalka Faransiiska ka bilaabi doona 10 June 2016.
Sida lagu faafiyey wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, macluumaad laga helay kombuyuutarka gacanta lagu qaato (Laptop) oo uu lahaa nin la yidhaa Salah Abdelsam, kuna eedaysan inuu ku lug lahaa weerarradii khasaaraha badan gaystay ee lagu qaaday magaalada Paris bishii November 2015, ayaa lagu muujiyey in ururka ISIS doonayo inuu qaado weerar loo adeegsado dad naftooda hurayaal ah, qoryaha daran-dooriga u dhaca (rifles) iyo diyaaradaha yaryar ee gacanta laga hago (drones) oo xambaarsan hub kiimikal ah, iyadoo bartil-maameedkooduna yahay taageerayaasha xulka Ingiriiska.
Waxa kaloo macluumaadka la helay ku jira sawirro kala duwan, iyadoo lagu xusay magaca magaalada ku taal dalka Faransiiska ee Old Port oo taageerayaasha Ingiriisku isku urursan doonaan si ay uga qaybgalaan ciyaartooda u horreysa ee ay la leeyihiin xulka kubbadda cagta ee Ruushka, iyadoo arrintaasina sababtay cabsi xooggan oo la xidhiidha ammaanka muwaaddiniinta labadaas dal.
“Hanjabaadda halista ah waxay noqotay mid ay aad u adag tahay in wax laga qabto amma laga hortago, waayo waa mid goob kasta ka dhici karta xilli kasta. Dadkaasi (ISIS) waxa ay run ahaantii si sax ah ugu faraxsan yihiin inay bartilmaameed ka dhigtaan dadka rayidka, isla markaana ay fuliyaan weerar ay doonanaan inuu sababo khasaaraha ugu badan.” Sidaa waxa yidhi Mr. Neil Basu oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska Ingiriiska.
Waxa kaloo sarkaalkan u sheegay wargeyska The Times, in walaac xoogan si gaar ah uga jiro garoomada kubbadda cagta iyo goobaha lagu qabto xafladaha muusiga, isagoo xusay in digniin iyo feejignaan laga haysto arrintaas, maadaama weerarro noocan oo kale ah hore uga dhaceen dalka Faransiiska.
Dhinaca kale,masuuliyiinta hay’adaha ammaanka ayaa ka cabsi qaba inay markale la kulmaan weerarro la mid ah amma ka xun kuwii lagu qaaday magaalada Paris ee dalka Faransiiska bishii November 2015, halkaas oo lagu dilay dad ka badan 130 qof, halka sidoo kale weerarro kuwaas ka dambeeyey oo lagu qaaday dalka Belgium, kuna ku dhinteen 32 ruux.
Sida ay muujiyeen xogaha la helay, waxa ISIS/Daacish qorsheeyeen inay weerarkooda qaadaan waxyar ka hor bilawga ciyaarta dhexmari doonta xulalka dalalka Ingiriiska iyo Ruushka, iyadoo sababta labadaas waddan loo bartilmaameedsanayo la xidhiidho weerarrada dhinaca cirka ah ee diyaaradahooga dagaalku ka fuliyaan waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post