X
    Categories: Warar

Daacish Oo Gawracday Askar Ciidanka Maamulka Puntland ka Tirsanaa

Araweelo News Network

Boosaaso (ANN)- Dagaalyahannada kooxda ISIS/Daacish, ayaa gawracay askar ka tirsanaa ciidanka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo ay ka qafaasheen duleedka magaalada Qandala dabayaaqadii bishii hore.
Kooxda Daacish ayaa meydadka saddex askari oo ay gawraceen soo dhigay jidka dheer ee magaalooyinka Qandala iyo Bosaaso ee xeebta maamulka Puntland subaxnimadii hore.
Askartan ayaa ku jiray dad dhowaan Daacish ka afduubteen meel ku dhow degaanka Qandala xilli ay ku soo jeedeen magaalada Boosaaso, waxana adag in xog dhammaystiran laga helo sababaha keenay in kooxdaasi bireeyaan.
Dadka degaankaas ayaa saxaafadda u sheegay in saddexda askari ee iyagoo gawracan meydadkooda laamida soo dhigay qayb ka ahaayeen ciidan maamulka Puntland u diray dhowaan degmada Qandala si ay uga xoreeyeen kooxda Daacish oo muddo bil ah maamulaysay magaaladaas.
“Meydadka saddexda askari ee la gawracay waxa la soo dhigay degaanka Karin oo u dhexeeya Qandala iyo Boosaaso, dadka shacabka ahna weli wejiyadooda ma aqoonsan, balse waxay ku lebbisnaayeen dharka ciidanka Puntland.” Sidaa waxa yidhi goob-jooge lagu magacaabo Saxane Jaamac oo ku sugan tuulada Karin.
Waxa uu intaa ku daray, inay dadka degaannadaas la soo daristay cabsi xooggan ka dhalatay gawraca askarta iyo in kooxda Daacish qaaddo tallaabooyin kale oo dhan ah cid kasta oo xidhiidh la leh maamul-goboleedka Puntland.
Masuuliyiinta maamulka Puntland oo wax laga weydiiyey dhacdadaas naxdinta leh, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dilka askartooda la gawracay, laakiin waxay sheegeen inay ciidammo u direen degaanka la dhigay meydadka saddexda askari.
Dhinaca kale, dagaalyahannada kooxda Daacish ayaa weli gacanta ku haya tiro kale oo ka tirsan ciidammada Puntland, kuwaasoo ku jiray 13 qof oo ay dhowaaqan ka qafaasheen duleedka magaalada Qandala ee xeebta Gobolka Bari.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post