X
    Categories: Warar

Cusbitaalka Salaxley Oo Lagu Kordhiyay Qaybo Cusub

Salaxley(ANN)Ururka Samafal oo lagu magcaabo Hayaan,  ayaa  dhagax dhigay Waadh Cusub oo  lagu kordhinayo Cusbitaalka Salaxley,  iyadoo uu Ururka Hayaan uu hore u hirgaliyay Waadh iyo Madbakh .

Munaasibad kooban oo ka dhacday Magaalada Salaxley ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin kala Duwan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Ururkaasi Hayaan Mudane C/naasir Dhoollayare , Marwo Ifraax Cali Cumar oo ah khasnajiga Ururkaasi , Maxmed Xasan Bardaax oo ah Xidhiidhiyaha Ururkaasi , Yusuf Jaamac Baaruud oo ah xubin firfircoon oo ka tirsan Ururkaasi Hayaan , Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxow, Boqor Raabi Yuusuf C/laahi , Xubnaha Guddida Ku Meel Gaadhka ah ee Beesha Deegaankaasi , Agaasimaha Waaxda Adeegga Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdi Cawil Cabdi iyo Masuuliyiin kale .

Ugu Horeen waxaa halkaasi Gudoomiyaha Ururka Hayaan Mudane C/naasir Dhoollayare waxaanu sheegay in ay maanta dhagax dhigayaan Waadhkii labaad kaas oo noqonaya ayuu yidhi Waadhkii labaad Ee ururka Hayaan ka hirgalinayo Cusbitaalka Salaxley “ Ujeddada isugu nimid waxaa weeye waxaanu dhagax dhigaynaa Waadhkii labaad oo uu dhagax dhigayo Ururka Hayaan , maaha kii ugu horeeyay ee waxaa nooga horeeyay waadhkan aynu hor taaganahay iyo Kijjo halkaa ka muuqataa , kan aanu dhagax dhigi doonaanaa wuxuu noqon doonaa mid kan ka wayn oo 20 Sariirood lagu xareeyo waxaa ku xigi doonaa laba waadh oo kale oo xafiisyo ku jiraan , Waxaan doonayaa in aan halkan iyagan uga mahadnaqo Ururka Haweenka Gaaroodi oo nooga horeeyay oo dhisay Isna dhakhtarkan dhankan inaga xigaa , ..”

Gudoomiyaha ayaa Xubnaha Ururka Hayaan ka raalli galiyay Arrin uu sheegay in ay muran dhalisay oo ka dhacday Waadh uu ururka Hayaan dhisay .

Agaasimaha Cusbitaalka Salaxley Jawhar Aw Cali iyo Agaasimaha Waaxda Adeegga Caafimaadd ee Wasaaradda Caafimaadka cabdi Cawil Cabdi oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay Ururka Hayaan .

Xubnaha Guddida ku meel Gaadhka ah ee Beesha Deegaankaasi , XIldhibaan Siciid Maxmed Libaaxow iyo Boqor Raabi oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay Ururka Hayaan iyagoo ku dheeraaday wax wada qabsigu qiimaha uu leeyahay ;

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post