X
    Categories: Warar

Cumar Carte: Doorkii Siyaasadeed Iyo Saamayntii Uu Lahaa

Cumar Carte Qaalib oo ku sugan gurigiisa Hargeysa Oct 25th, 2018, Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

‘#Cumar Carte Waa ninkii u babac-dhigay dowladda Ethiopia sagoo kaligii ah’

Hargeysa(ANN)-Cumar Carte Qaalib oo ahaa siyaasi ruug-cadaa ah oo si weyn looga yaqaanay geyiga Soomaalida iyo fagaarayaasha siyaasada dunida Islaamka iyo Carabta,  isla markaana ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay Dawladii Jamhuuriyaddii Soomaaliya iyo Somaliland intii aannay ku biirin Soomaaliya ee ay ku jirtay maxmiyadii Boqortooyadii Britain, ayaa ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 18 November 2020.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Hoggaamiyayaasha axsaabta qaranka Somaliland, siyaasiyiin, aqoonyahan, salaadiin iyo boqolaal qof oo kale ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo loos ameeyay Marxuum Cumar Carte Qaalib – oo 19 November 2020, lagu aasay xabaalaha Bacaqiiq ee Woqooyiga magaalada Hargeysa.

Maruuxm Cumar Carte oo ahaa 90 jir, waxa geeridiisa si weyn looga sareemay geyiga Soomaalida, gobolka geeska Afrika iyo Carabta, wuxuuna  ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu magaca dheeraa ee soo maray Soomaaliya, isla markaana saamayn siyaasadeed ku lahaa fagaarayaasha siyaasada geyiga Soomaalida iyo geeska Afrika, isagoo salaanka siyaasada kasoo billaabatay xilligii ay Somaliland ku jirtay maxmiyada Boqortooyadii Britain, isagoo kaalmo muhiim ah iyo door muhiim ah kasoo ciyaaray dowladihii jiray ilaa bur-burkii Soomaaliya kaddib.

Haddaba kumuu ahaa Cumar Carte Qaalib?

Cumar wuxuu sanadkii 1930-kii ku dhashay magaalada Hargeysa. Waxbarashadiisa aasaasiga ahayd,  wuxuu kusoo qaatay isla magaalada Hargeysa, markaa kaddib wuxuu waxbarashadiisa sare kusoo qaatay dalkaa UK, isagoo markaa kaddib muddo dheer macallin ka ahaa dugsiyada dalkiisa Hooyo.

Markii ay Soomaaliya xorriyadda ka qaadaneysay gumeystayaasha wuxuu ku jiray siyaasiyiintii ugu firfircoonaa waddanka.

Dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayuu sanadkii 1969-kii ka noqday wasiirkii Arrimaha Dibadda.

Bishii January ee 1991-kiina isla Siyaad Barre ayaa u magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya. Xilkaas ayaa mar kale loo cusbooneysiiyay markii la aasaasay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi Maxamed, isagoo Ra’iisal Wasaare ahaa ilaa sanadkii 1993-kii.

‘Waa ninkii u babac dhigay dowladda Itoobiya isagoo kaligii ah’

Cumar Carte waxa uu muddo dheer ahaa Safiirkii Soomaaliya ee dalka Ethiopia, Danjire Cabdullaahi Axmed Adan Congo, oo qunsulka Ethiopia, ahaa markii uu safiirka ahaa Cumar Carte, ayaa BBC-da u sheegay in marxuumka uu shaqooyin badan usoo qabtay qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin oo hareeraha ka fadhiya Cumar Carte Qaalib Oct 25th, 2018, Image File Araweelo News Network.

“Cumar wuxuu ahaa nin ku dheggan waddaniyaddiisa iyo muslimnimadiisa labadaba, wuxuuna ahaa ninka qudha ee laga yaabo qaddiyadda Soomaaliyeed u diyaar ah, isagoo laga yaabo in lagu toogto, oo aan ka baqanin,” ayuu yidhi Danjire Cabdullaahi Congo.

Sidoo kale, wuxuu sharraxayaa sida uu u wajahay boqrkii Ethiopia, xilligii uu safiirka ahaa.

“Waa kii aan la shaqeynayay ee aan qunsulka ugu ahaa Itoobiya, wuxuu Cumar u babac dhigay dowladda Itoobiya isagoo kaligii ah. Waa ninka qudha ee diiday inuu u sujuudo Xeyla Salaase. Marka uu Danjire walba qaabilayo waa inuu saddex jeer u sujuudaa oo markaasna uu dib u noqdo, laakiin isagu wuxuu yidhi, ‘taasi ma dhaceyso, anigu Alle waxaan ahayn u sujuudi maayo’, sidaasoo kale ayuu qaddiyadda Soomaalidana ugu adkaa.”

Sida uu Cabdullaahi Congo sheegay, Cumar Carte Qaalib wuxuu ahaa ku xigeenka madaxa gobolka markii uu Waqooyiga Soomaaliya haystay gumaystihii Ingiriiska.

“Markii Waddanka la isku daray wuxuu noqday safiirka Addis Ababa, muddo dheer ayuu ahaa safiirka, kaddibna wuxuu wasiirka Arrimaha Dibadda ka noqday dowladdii Maxamed Siyaad Barre, xilkaasna muddo dheer ayuu hayay. Markii dambe ee ay Soomaalida kala daadatayna waa kii ka dhoofay waddanka.”

Hase yeeshee inta uusan dibadda aadin ka hor waxa uu xil siyaasadeed uga tartamay dhinaca Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, sida uu sheegayo Cabdullaahi Congo.

“Burburkii kaddib inta uusan waddanka ka dhoofin wuxuu isu sharraxay madaxweynenimada Somaliland, laakiin waxaa ka helay ina Cigaal, intaas kaddibna wuxuu iska tagay Sacuudiga.”

Sida uu danjira BBC-da u sheegay, waxyaabihii ugu waaweynaa ee lagu xasuusan jiray Cumar Carte Qaalib waxaa ka mid ah inuu aftahan ahaa, dalalka Carabtuna ay si weyn u qaddarin jireen.

Wuxuu door muhiim ah ka qaatay dedaalkii ay Soomaaliya ugu biirtay Ururka Jaamacadda Carabta. Sida uu sheegay Danjire Cabdullaahi Congo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post