X
    Categories: Warar

Koox Culimo Hubeysan Oo Xoog Ku Qabsaday Masaajid Ku Yaal Magaalada Berbera

Araweelo News Network

Berbera(ANN)–Koox Culimo ah oo hubaysana, ayaa xoog kula wareegay Masjid ku yaal Magaalada Berbera oo muddooyinkan muran ka taagnaa.

Culimada Xerta Timo-weynta oo ku gaashaaman hubka fudud, ayaa goor dhaweyd xoog ku qabsaday, isla markaana la wareegay Masaajidkii Sheekh Isxaaq ee magaalada Berbera oo muddooyinkii u dambeeyey uu ka taagnaa muran khuseeya dhinaca gacan ku haynta maamulka ee Masaajidkaasi.

Kooxda Culimada ah ee la wareegtay masjidka, ayaa ka cadhooday go’aan ka soo baxay guddi xalinaysay khilaafka dhinacyada isku hayey gacan ku haynta masaajidkaas, waxayna go’aankaa qaateen kaddib markii ay ku qanci waayeen natiijada go’aan laga soo saaray muranka ka taagnaa Masjidka, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay qabsashada Masjidka.

Masuuliyiinta Magaalada Berbera, ayaa ku guuldaraystay inay xal u helaan arrintan oo abuurtay xiisad la xidhiidha arrimaha madaahibta.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post