X
    Categories: Warar

Culimadda Ceergaabo Oo Ku Yaboohay Haweeney Xiskeedu Dhiman yahay Oo Lagu Hayo Ceerigaabo

Ceerigaabo(Araweelo News) Haweeney xiskeeda xagga maskaxda dhiman yahay ayaa
muddooyinkan ugu danbeeyey lagu hayey magaalada Ceerigaabo kaddib
markii laga qabtay iyadoo lugaynaysa degaannada soolasha miyiga jahada
bari ka xiga magaalada Ceerigaabo.

Sheekh-Siciid Axmed Xaashi oo culimada magaalada Ceerigaabo ka mid ah
islamarkaasna deggan guriga haweeneydan xiskeedu dhiman yahay oo aannu
booqannay ayaa isagoo ka warramaya haweeneydan wuxu yidhi “Gabadhan
xanuunsanaysa oo muddo ku dhow laba bilood aannu halkan ku hayney
markii horena dad muslimiin ahi kazoo qabteen miyi fog oo bariga
Ceerigaabo ah hadalkeeduna kolley dadka Burco ilaa Hargeysa u eg
yahay Waxannu cid kastoo aragta baafintan ugu baaqaynaa inay ugu soo
hagaagaan Ceerigaabo”.

Sheikh-Xuseen Jalibaax iyo Sheekh-Cali Dhiillood Cabdi oo ka mid ah
Culimada guddida Tabarrucaadka iyo Taakulaynta Masaakiinta gobolka
Sanaag oo iyaguna goobta ku sugnaa ayaa iyaguna dhinocooda cid kastoo
muuqaalkan/baafintan aragta waxay ugu baaqeen in laga taakuleeyo
duruufaha shakhsiyeed ee ku gedaaman haweeneydan oo ay ugu weyn yihiin
sidii ehelkeedii loola raadin lahaa iyo sidii baahida ay qabto looga
taageeri lahaa Iyadoo wixii faahfaahin dheeraad ahna lagala soo
xidhiidhayo telefoonnadan kala ah (00 252 634325420/00 252
907776254/00 252 907722355/00 252 634475343).

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post