X
    Categories: Warar

#COVID19: Kiisaska Cusub Iyo Dhimashada Oo Korodhay Somaliland

Hargeysa(ANN)-Somaliland waxa la shaaciyay 24 saacadood ee u danbeeyay in 54 qof oo baadhitaan loo sameeyay kadib markii ay lasoo xidhiidheen Wasaaradda Caafimaadka iyagoo ka shakisan xannuunka Coronavirus, laga helay 14 ka mid ah. Sidaana waxa watbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye.

“Dadka xannuunka laga helay sided qof waa rag, Lix qofna waa Haween, waxayna dhammaantood joogaan magaalada Hargeysa, yuu yidhi, Agaasime Xergeeye oo maanta warbaahinta siinayay warbinta maalinlaha ah ee halka uu marayo xannuunka COVOD-19.

 

Saddex ka mid ah dadkaa waxay da’adoodu u dhaxaysaa 20-29 jir, laba qof waa 30 jir ilaa 39 jir, saddex qof ayaa ah 39 ilaa 40 jir, saddex qof oo 40 ilaa 49 jir,  saddex qof oo 50 jir ilaa 59 jir ah, laba qof oo 60 jir ilaa 69 jir ah, halka 70 ilaa 79 uu yahay qof keliya, sida uu warbixintaa ku sheegay Dr. Xergeeye.

 

Wuxuu sheegay in tirada 14 qof oo ay maanta shaaciyeen ka dhigayso torada guud ee dadka xannuunka laga helay 217 qof, halka ay dadka ka bogsaday noqonayaan 21 qof, balse waxa uu sheegay in ay jiraan dad kale oo ka bogsaday, laakiin la hubinayo oo shaybaadhka la gelinayo mar kale si loo xaqiijiyo.

 

Mar uu ka hadlayay Dr. Xergeeye dhimashada wuxuu sheegay in ay kusoo kordheen laba qof, kuwaas oo ku dhintay Hargeysa iyo Boorama, wuxuuna xusay in tirada guud ee mudadii xannuunku ka jiray Somaliland ay labadaa qof ka dhigayaan 17 qof.

AKHRI: Somaliland Kiisaska Coronavirus Oo Gaadhay Tiradii Ugu Badnayd

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, wuxuu sheegay in mudadii xannuunka lagu arkay Somaliland baadhitaan loo sameeyay dad gaadhaya 975 qof.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post