X
    Categories: Warar

COVID-19: Somaliland: Kiisaska Coronavirus Oo Kordhay

 

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa shaacisay tirooyin  kiisas cusub oo cuddurka Coronavirus ah,  kaddib baadhitaanno la sameeyey 24-kii saacadood ee u dambeeyey.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Hargeysa 17 May 2020, Araweelo News Network.

Sidaana waxa sheegayAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbixinta maalinlaha ah ee xannuunka Covid-19,  la wadaagay warbaahinta, wuxuuna xaqiijiyey 8-kiis oo ku soo kordhay tiradii hore ee dadka laga helay cuddurka Covid-19 ee dalka, taas oo ahayd 121 qof, isla markaana wuxuu xusay in tirada guud ay ka dhigayso 129 qof oo laga helay xannuunkan gudaha Somaliland inta la ogyahay.

Dr. Xergeeye, waxa kale oo uu sheegay in tirada dadka xannuunka u dhintay ee la hayo diiwaankooda  ay gaadhay 10 qof, halka 8 qof oo ka mid ah tirada dadka xannuunka laga helay ee Somaliland ee maanta la shaaciyay 5 ka mid ah ay ku nool yihiin gobolka Saaxil, 2 ka mid ahina magaalada Burco ee gobolka Togdheer,  hal qof oo ka mid ah sideedaa uu ku nool yahay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasimaha ayaa ugu baaqay bulshada in ay is dhawraan maadaama uu xannuunku sii faafayo, sidaa awgeed loo baahanyahay in la muujiyo taxadir dheeraad ah oo la raaco tallooyinka wasaaradda Caafimaadka.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post